Manoc (Hubaal):-Isku aadka tartanka horyaallada qaaradda yurub ee Champions League-ga ayaa goor dhow lasoo bandhigay, iyadoo laacibka dalka Spain ee ciyaara kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo loo magacaabay xiddiga sannadkan 2014 ee qaaradda Yurub.
Sida kooxuhu ay sannadkan isugu aadeen ayaa u muuqda mid ka adag sannadihii aynu ka soo gudubnay, iyadoo tani ay ka dhigeyso sannadkii ugu adkaa ee soo mara tartankan oo ay sannadkan isaga horimanayaan 32-kooxood oo ka socda dalalka Qaaradda Yurub.
Ciyaaryahan Cristian Ronaldo ayaa isagana la guddoonsiiyay isla xalay abaalmarinta ugu qaalisan qaaradda Yurub ee dhinaca kubadda cagta, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddiga qaaradda Yurub ee sannadkan 2014-ka.
Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa waxa uu ka bixiyay dareen farxad leh, kadib markii la gudoonsiiyay abaalmarinta ugu qaalisan qaarada Yurub, waxaanu yidhi “Runtii aad ayaan u faraxsanahay inaan sannadkan noqdo xiddiga Qaaradda Yurub. Waa in aan u mahad-celiyaa dhammaan saaxiibaday oo la’aantood aanan heerkan soo gaari lahayn. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa qoyskayga, kooxdeyda iyo qof walba oo ii codkiisa i siiyay.”
Laacibkan ayaa xilli ciyaaraadkii hore kooxdiisa Real Madrid u qaaday koobka horyaallada qaaradda Yurub, isagoo sannadkii la soo dhaafayna helay abaal-marinta laacibka kubadda cagta ee Adduunka.
qaabka ay isugu beegmeen kooxaha tartankan ka qayb-galaya xilli ciyaareedka 2014-ka iyo 2015-ka:
GROUP A: Atletico Madrid, Juventus, Olympiakos, Malmo
GROUP B: Real Madrid, Basel, Liverpool, Ludogorets
GROUP C: Benfica, Zenit, Bayer Leverkuson, Monaco
GROUP D: Arsenal, Borussia Dortmund, Galatasaray, Anderlecht
GROUP E: Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow, Roma
GROUP F: Barcelona, PSG, Ajax, APOEL FC
GROUP G: Chelsea, Schake04, Sporting Lisbon, Maribor
GROUP H: Porto, Shakhtar, Atletico Bilbao, BATE Borisov
Tartanka horyaallada qaaradda yurub ee sannadkan ayaa waxa ka maqan kooxaha laba kooxood oo sannado badan ka dhex muuqan jiray tartanka, kuwaasoo kala ah; Manchester United oo Ingiriis ah iyo kooxda Milan oo Talyaani ah, taasoo sababtay kaddib markii ay kooxahan kaalimo hoose ka galeen tartanka horyaalka dalalkooda.