HUBAAL TV: Axmed Muumin Seed oo ka hadlay muddo kordhin xukuumadda loo sameeyo iyo kulan ay mucaaridku la yeesheen deeq-bixiyeyaasha

0
19

“shir baanu halkan isugu nimid haddaanu nahay isbahaysiga mucaaridka,shirkaasina wuxuu daaran yahay sida aad ogtihiin waxa dhamaaday wakhtigii shanta sanno ee aynu dooranay xukuumadda uu Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay,taas oo aanu wel-wel weyn ka qabno,oo waxa noo yimid deeq bixiyeyaashii dooarshooyinka naga caawinayay oo aanu kulan la samaynay,kulanka kadibna waxaanu halkaas ka fahanay in iyaguna ay noo cadeeyeen in asxaabta mucaaridka iyo deeq bixiyeyaashu ay isku mawqif yihiin oo caalamku maanta uu aad ugu soo jeestay in Somaliland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku qabsoomta”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here