Hargeysa (Hubaal) Waxay ahayd Khamiistii dhaweyd markii ay maxkamada breda ee ku taalla dalka Netherlands xukun raaligelin ah ku riday Daahir Calasow oo warar aan sal iyo raad toona lahayn ka baahiyey Shirkadda Dahabshiil, kuwaas oo la xidhiidhay falal Argagixso, waxaana Go’aanka ay Maxkamadda Breda soo saartay lagu sheegay in dhamaan eedaha la xidhiidha argagxisada iyo gabbood-fallada ka dhanka ah warbaahinta ee uu ninkaasi la xidhiidhiyey shirkadda Dahabshiil yihiin qaar la been-abuuray, isla markaana yihiin kuwo aan sal iyo raad loo raaco toonna lahayn. Hadaba Cabdirashiid Dahabshiil oo ah manager-ka guud ee shirkadda Dahabshiil ayaa markii u horeysay ay saxaafadda Somaliland wax ka weydiisay arrimahaas, waxaana Mr. Cabdirashiid oo ka hadlaya uu ku bilaabay sida muuqaalkan hoose aad kaga boggan doontaan.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN HUBAAL TV: Cabdirashiid Dahabshiil Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Dacwadii Daahir...