Hargeysa (Hubaal)- Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Muj Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kormeer ballaadhan kusoo sameeyey deegaanada diiwaangelinta codbixiyayaashu ka socoto ee hoos yimaadda degmada Faroweyne.
Waftigan oo ka jarmaaday caasimadda Hargeysa, ayaa socdaal dheer oo indho indhayn kusoo maray goobo tiro badan oo deegaankaas ku yaalla, kuwaas oo ay dadweynuhuna si habsami leh iskaga diiwaangelinayeen, waxana ay hadallo ka dhegaysteen qaar kamid ah odayaasha deegaannada ay marayeen iyaga oo ka waraystay sida ay diiwaangalintu u socoto.
Deegaanada kale ee waftigu soo mareen waxa kamid ah Waddo-bariis, Sayla-galbeed, Bandar-amaan, Cadaroosh, waddo-mahaakiil, Xadarta , Faroweyne , Maraaga iyo Lafta Faro-weyne