Xil. Siciid Cilmi Rooble Oo Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa walaac ka muujiyay dad shacbi ah oo lagu xasuuqayo gobollada Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya. Waxaana hadalkan uu ka sheegay mar uu u waramayay warbaahinta dalka qaar. Xildhibaanku waxa uu baaq u diray ummada caalamka, sidoo kale waxa uu baaq u diray warbaahinta dalka iyo xukuumadda Somaliland oo uu sheegay in meel adag layska taago xasuuqa lagula kacayo ummad aynu isku dhaqan nahay oo abaal weyna Somaliland u galay waagii dawladii milateriga ahayd ay kula kacday shacabka Somaliland xasuuqa ba’an waa sida uu sheegay xildhibaan Siciid cilmi.