Gabiley (Hubaal)- Guddida Horumarinta ee Hoodaale ayaa gargaar degdeg ah gaadhsiiyey Deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley oo abaaro baahsani ka jiraan.
Guddidan ayaa Ceel biyoodyo ka hirgeliyey Deegaanno Ay Ka Mid Yihiin Abeer, waxaana munaasibad fidinta gargaarkaasi ka qayb galay masuuliyiin heer qaran ah oo kala duwan iyo xubno ka tirsan guddida Hoodaale.
Maamulka Deegaankaasi Geed Abeer iyo Wasiirrad Beeraha iyo Wershadaha Somaliland Iyo weliba hogaanka guddidaasi ayaa ka warramay gurmadka ay bulshada deegaannadaasi gaadhsiiyeen iyo Ceelasha ay u qodeen waxa ay ka tari doonto baahiyaha nololeed ee dadkaas tabaalaysan.
Guddoomiyaha deegaanka Geed Abeer, Abdeeq Nuur Cismaan oo u mahadnaqay guddida horumarinta ee Hoodaale, hawsha ay deegaankaasi oo oommanaa ay ka hirgeliyeen, Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa guddida Hoodaale iyo wasiirrada iyo marti sharafta kale ee socda” sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha deegaanka Geed Abeer.
Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaa iyagana ka mid ahaa Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim oo ah xoghayaha guddida horumarinta ee Hoodaale, waxaanu u mahadnaqay dadka maalkooda u huray bulshadooda baahan. Waxaana xoghayuhu sharraxay shaqada ay guddi ahaan qabtaan iyo weliba ceel biyoodyo ay ka hirgeliyeen deegaannada gobolka Gabiley.
Geesta kale Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ballanqaaday inay xukuumad ahaan la shaqayn doonaan guddida horumarinta ee Hoodaale oo hawl wanaagsan qaranka u haya, “Waxyaabaha ay guddidani muhiimmada ka dhigatay ee ay ka shaqayso waa biyaha”