HUBAAL TV: DAAWO Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID Oo Sheegtay In Xukuumada Siilaanyo ay Caddaalad Daro,Cabudhin iyo Cagajuglayn gaar ah Ku hayso Beel kamid ah Beelaha Somaliland

0
30

“Shirka ka socda Laas Muuse meesha layidhaa oo ay ku shirayaan beel kamid ah beelaha Habar-jeclo oo layidhaa Muuse Abokor, ciidan-na looma dirin,cidina lama hadlayso,lamana xidh-xidhayo,waxa se layaab leh beeshan Jiidali waxa ka hilaacay,ee aan oday loo dhaafayn,dhalinyaro loo dhaafayn, dhibaatada,cabudhinta iyo cagajuglayntu maanta inooguma horayso” marwo Xaliimo Cismaan raage oo ah guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga Ucid

“Waa ogeydeen.. Hubaal habeen madaw in loo dhacay oo la rasaaseeyay,ninkiina laga helay telefoonkuu kula hadlayay madaxtooyada,oo la sii daayay..waxa waatii C/laahi Abokor habeen madaw sida budhcada loogu daatay aqalkiisii.. waatii Berbere lagu garaacay xildhibaanadii lasoo doortay…imikana oo aan hadlayo waxa halkan laga kaxaystay laba inamood oo jiidali ah oo ugu dambaysay waxa beeshan sida gaarka ah loogu socdo” marwo Xaliimo Cismaan Raage, guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga UCID

xaliimo cismaan raage

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here