Hargeysa, (Hubaal)-Guddoomiyaha Madasha Waddatashiga iyo toosinta Qaranka Mujaahid Xassan Guure oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu Xukumada ku eedeyey in illaa Wakhtigan si cad aanay uga jawaabin Cabashadii odeyaasha Reer Boorama ay madaxweynaha Soo gaadhsiiyeen waxanu tilmaamay in Gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrintaasi aanay wali shir kali ah ka yeelan arrintii loo xilsaaray. Waxanu yidhi. “Barri dhaweyto waxa Hargeysa Yimid Odeyaashii reer Awdal, arrimo iyo tabasho ayey u yimadeen, madaxweynaha Somaliland way is arkeen, madaxweynuhu umu jawaabin ee Guddi ayuu u saaray, Guddidii Madaxweynuhu u saaray illaa maalintii illaa maanta may fadhiisan, dadkiina markii ay daalen way iska noqdeen, waxaynu ognahay in dagaalka muddo dheer ka socday barriga waxa dagaal laggu xalin karana ma jirto, haddii iyada oo taasina jirto tana raacdo waxay noqonaysaa Burburkii Somaliland, Maxamed Siyaad Barre isma lahayn Dagaalka Burco iyo Hargeysa ka dhacay ayaa Xamar kugu imandoona, haddii aynan dabkaasi bakhtiiN waynu ku gubandoona nabad ayeynu u baahanahay iyo in la wadda hadlo oo Somaliland dib iskugu timaado, Beelaha kale ee reer Somaliland waxay Tuhmayaan in Beesha Dhexe qaadatay Dhammaan Maamulkii dalka oo dhan, Beesha Dhexena waxay tuhumaysaa in Beel kali ahi qaadatay, laakiin waxan qabaa in koox isku xidhan ay dalkii la wareegtay, marka intii aynu is tuhmilahayn waa in aynu isku nimadno oo aynu eegno halka wixii la wadda lahaa la geeyey.”Ayuu yidhi Xassan Guur