HUBAAL TV: Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka Oo Mawqifyo Farxad Iyo Feejignaan Huwan Ku Kala Qaabilay Go’aanka Madaxweynuhu Ku Kala Diray Komishanka

0
28

“…Haddaanu nahay asxaabta Mucaaradka jawaab aanu u dhan-nahay ayaanu siin doona xukuumada, Kana hordhici maayo, laakiin Waxaan odhan lahaa uun Wakhtigeeda aynu sugno

HUBAAL TV: DAAWO Hoggaamiyeyaasha UCID & WADDANI Oo Mawqifyo Farxad Iyo Feejignaan Huwan Ku Kala Qaabilay Go’aanka Madaxweynuhu Ku Kala Diray Komishanka

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Ka hadlay Sida ay u arkaan Digreetaddii Madaxweyne Siilaanyo ku kala dirayo Xubnaha komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Waqti xileedkoodu ku eg yahay dhammaadka bisha October ee inagu soo fool leh.

Guddoomiyaha UCID Waa uu soo dhaweeyey Kala diristaas, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo hore loo qaaday oo fududaynaysa natiijo laga gaadho geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Hase yeeshee Guddoomiyaha WADDANI, In kasta oo uu aqbalay haddana waxa uu carrabka ku dhuftay in ay haboonayd in madaxweynuhu la socodsiiyo axsaabta mucaaridka ah kahor intii aanu go’aanka qaadan. “Doorashadii ama diwaan galintii Dhawr arrimood ayaa ka qabyo ahaa, Mid waxa uu ahaa in laga wada hadlo arrinta komishanka oo laysla eego, midna waxa uu ahaa xeerkaas kaabista ee qabyada ah,Markaas Qabyo tirkii ayuunbay arrintani ka mid tahay, Inkasta oo aanay digreetada madaxwaynaha somaliland annaga ka xisbi  WADDANI ahaan nasoo gaadhin, Haddana sida la sheegayo way jirtaa, Lakiin digreetadaas uu soo saaray Madaxwayne siilaanyo waxaana odhan lahaa way na faraysaa uun in lasoo xulo Xubnaha meteli donna Komishanka” sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu intaa ku daray “Lakiin haddaanu nahay asxaabta Mucaaradka jawaab aanu u dhan-nahay ayaanu siin doona xukuumada, Kana hordhici maayo, laakiin Waxaan odhan lahaa uun Wakhtigeeda aynu sugno.

uvs140828-003

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here