Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale oo Ugu horrayn halkaas warbixin dheer oo dembiyada dalka ka dhacay ee kufsi iyo dilalba isku jira iyo cidda loo qabtay ka jeediyey waxaa uu yidhi
“Tirada Dembiyada guud ee dalka ka dhacday sanadkani waa 18252-dembi, tirada dilalka sanadkan dhacay waa 61-dil. Inta dhimatay waa 61-qof, inta gacan-ku-dhiigle ee la qabtay waa 55-qof, inta baxsatayna waa 6-qof. Tarada kufisigu guud ahaan waa 80. Inta eedaysane ee gashayna waa 100-qof oo 85-ka mid ah gacanta lagu dhigay.tirada carruurta la tuuray sanadkan waa 8, inta dhimatay ay 5-tahay, halka inta nooli tahay 3-carruur ah, sanadkanna hoos bay ud dhaceen.” Ayuu yidhi Maxamuud Ducaale.
Mudane Ducaale oo hadalkiisa sii wata, isla-markaana ka hadlayey shilalka gaadiidka sanadkan dhacay iyo tirada cidda ku waxyeelloowday, ayaa yidhi,
“Shilalka sanadkan dhacay waa 2090, inta qof eek u dhimatay waa 119, dhaawacuna waa 1714-qof, khasaaraha gaadiidkuna waa 1583-gaadhi. Dhibaatada shilalka waxa sal u ah tirade gaadiidka oo badanaysa iyo masuuliyad darrada waddayaasha oo xawaare sare ku socda.”
Mukhaadaraadka kala duwan ee sanadkan ciidanku gacanta ku dhigeen ayuu sidoo kale ku dheeraaday,
“Sanadkan khamriga la qabtay waxa uu noqday 5250-litir oo khamri ah, halka xashiishadda aanu qabanay ay noqonayso 15-kiiloo iyo 144-duub oo xashiishad ah, eedaysanayaasha aanu ku qabanayna waa 21-eedaysane.” Ayuu yidhi Mudane Ducaale.