DAAWO Guddoomiyeyaasha Iyo Tifaftirayaasha HUBAAL iyo HAATUF+Hoggaanka Ururka SOLJA+Masuuliyiinta Munaasibada Agaasimay+Siyaasiyiinta Madaxa Banaan+Mujaahidiinta iyo Qareennada
Hargeysa (Hubaal)- Ururka Dhalinyarada ee Jiiddali ayaa Kulan Afur iyo Casho isugu lammaan Caawa U Sammeeyey Mas’uuliyiinta labada wargeys ee Xukuumadda Somaliland Albaabada U laabtay ee HUBAAL iyo HAATUF.
hadaladii masuuliyiinta qaar oo qoraala hadii aynu wax ka soo qaadano waxaa ka mid ahaa:
“Jiidali,aniga ceerigaabo ayaan ku dhashay, markaanu halka joognay waxa la odhan jiray Jiidali jirbaa helay,markaa jirkii wakhtigaa la sheegi jiray immika ayuu helayoo” Guddoomiye ku xigeenka ururka SOLJA
“saxaafadda s/land waxa ragaadiyay nidaamka jira markay system-kiisa ay galeen,oo rag badan baa jira oo iska dhawra arrimaha saxaafada oo haddaanu imika amaano, dee shaqadaaba laga eryi baan u malayn markaa waxba magacaabi mayno” Curad
“ Hubaal laba jeerbaa la xidhay, Haatufna hal mar oo yuusuf iyo tafatirahiisa maxkamad baa la geeyay, wasiiro ayaa marna mudici ka ahaa kiiskooda, marna markhaatiyo, laakiin Anaka, Hubaal ilaa December 2013-kii ilaa hadda wuu xidhan yahoo maxkamadana wax kiis ah oo noo yaalaa ma jiro,waa waxyaabaha ugu yaabka badan ee naga fajaciyay” caloolay
“waxyaabaha naga yaabiyay runtii Toddoba bilood ayaanu maxkamadda ku noqnoqnaynay, arroor kastana aanu weydiinaynay kiiskayaga, markaanu aragnay in wax kiisa lanoo keeni waayay, waanu iska daynay oo anagaaba iska qanacnay” caloolay
“waxa uu dalkani ka dhintay maamul daadajinta wixii la odhan jiray, oo laba islaamood haday isqabsadaan ilaa qoyska madaxweynaha oo arrintaa lala soo socod siin,oo jananka boolisku iyo wasiirka arimaha guduhu aanay la soo hadlin madaxtooyada, wax kala furdaamin karayaaba ma jirto,waa xafiis xafiis dulsaaran iyo wasiir wasiir dulsaaran” caloolay
“ C/laahi Abokor markii uu sheegay runta ayaa loosoo daatay habeen oo la xidhay,waxaana hadda uu u xidhanyahay kuwii uu sheegay,taas baa ina haysata, laakiin wax soconaya maaha oo qof walbaaba wuu ogyahay waxa ay xukuumadani samaynayso oo inay ku jiraan dad danta s/land ka soo horjeeda” Yuusuf Gaboobe
“marka maanta la ina yidhaahdo inagoo ku jirna qarnigii 21-aad waxa s/land ka jira adoonsi iyo cadaalad daro,markaa C/laahi Abokor waxaan leeyahay waxa kolay la hor keeni doonaa cadaalad darada,oo odhan mayno cadaalad e’ waa hadiiba ay keenaane
“waxaanu mar walba la soconay xadhigii Yuusuf iyo cid kasta oo xaqdaro ku xidhan, yuusufna Illaahaybaa ka soo daayay oo mahadaa iska leh” Guddoomiyaha ururka Jiidali