“…Baananka Somaliland Ash-Khaastii Berigii Siyaad Barre Ka Shaqayn Jirtay Ayaa Immikana Ka Shaqeeya, Waxa Qudha Ee Ay U Furan Yihiina Waa Musuq-Maasuq (Corruptin).
***********
“Mar Alla Marka Doorasho Soo Dhawaato Waxaa La Soo Daabacaa Nawaadh [Noodhadh] Ciiddaas Ka Badan Oo Lacag Ah, Oo Dawladda Ayaa Isticmaasha”
************
“… Immika Haddaad Tv-ga Dawladda Furato Iyo Radio Hargeysa Annaga Uun Baa Nalaga Caayaa, Ee Shaqo Kale Ma Qabtaan, Qaran Baa-na Lagu Sheegayaa…”
DAAWO Nuxurka Khudbad Uu Madaxweyne Siilaanyo, Xilligii Uu Mucaaridka Ahaa Ku Weeraray Siyaasaddii Hoggaamineed Ee Xukuumaddii Rayaale Gadh-wadeenka Ka Ahaa
“…Baananka Maanta Somaliland Ka Jiraa Waa Kuwii Siyaad Barre Isticmaali Jiray, Waxa la kala Yidhaahdaa Bank Nationalle (National Bank) iyo Bank Commersiolle (Commersiol Bank), Labadaasi Xamar Bay Jiri Jireen waa Kii qaranka iyo kii Ganacsiga. Waxa ay labaduba Fashilmeen (Failed) Waqtigii Siyaad Barre Joogay, Ash-khaastii Berigaas ka shaqayn jirtay ayaa Immikana ka shaqeeya, waxa qudha ee ay u furan yihiina waa Musuq-maasuq (Corruptin). Waan hubaa intiina halkan joogtaa inaan qofkiina lacag dhigan, Weli lacag ma mariseen [Baanka Dawladda]?, U Malayn Maayo Inaad halkaas weli Lacag Mariseen ama dhigateen, Ha ii sheego qofka dhigtay. Waayo budh bay la hor taagan yihiin [dawladdu] oo waxa ay leeyihiin baan kale oo la furayaa ma jiro, waayo waxa ay ka adag yihiin Musuqmaasuqa dalka, hadda distoorkeenuna wuu tilmaamayaa.
Mar alla Marka Doorasho soo dhawaato waxaa la soo daabacaa lacag hor leh oo Nawaadh [Noodhadh] ciiddaas ka badan bay soo daabacaan, lacagtaas cusub yaa isticmaala?. Lacagtaas Cusub dawladda ayaa isticmaasha, Intii dalkaasi jiray sanad aan lacag cusub lasoo daabicin ma jiro, marka la soo daabacayana waxaa la yidhaahdaa Burco ayaa Giimbaartii lagaga beddelayaa. Waxaad ogtihin oo kale Cashuuro hor leh oo soo saaray oo dadweynaha la saaray, waxaa loogu talo galay in Gobolka Sool lagu horumariyo, wax alla wax lagaga beddelayna ma jiro.
“…Annagu Waxaanu Dhiiri-gelinayaa Private Inter-priseka, Waxaanu furaynaa Baananka, waxaanu furaynaa Reedyowyada iyo TV-yada oo Xeer Loo samaynayo, oo dee kan qudha ee dawladdu leedahay immika shaqo kale ma qabto ee annaga uun baa nalaga caayaa oo haddaad TV-ga dawladda Furato iyo Radio Hargeysa shaqo kaleba ma laha, qaran baa-na lagu sheegayaa…”