Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Iyo Musharraxa Jagada Madaxweynaha Ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen Ayaa shalay Si wada jir ah salaadii jimcaha waxa ay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukadeen masaajidka Quba ee xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.
Imaamka Masaajidka Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siirro) ayaa khudbadii Salaada Jimcaha waxa uu tafaasiil kaga bixiyay sida diinta islaamku u waajibisay bixinta sakadda oo ah taar dhaqaale oo kor loogu soo qaadayo nolasha dadka masaakiinta ah, waxaanu dadweynaha ku guubaabiyay inay maalkooda ka bixiyaan qadarka sakadda ee ku waajibtay.