HUBAAL TV: DAAWO Madal Ururka Jiidali Isugu Keenay Salaadiinta,Odayada iyo Haldoorka Dhalinyarada Subeer Awal Oo Si Kulul Loogu Cambaareeyay Xadhiga Ay Xukuumada Siilaanyo Kula Kacday Guddoomiyaha Ururka JIIDALI

0
55

Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Dhalinyarada beesha Subeer Awal oo xukuumadda Ugu Baaqay inay xoriyadiisa u soo celiso guddoomiye Cabdiraxmaan Xasan Aadan

Hargeysa (Hubaal) Xaflad ay isugu yimaadeen odayaasha iyo dhalinyarada,haldoorka beesha Subeer Awal oo ay soo abaabuleen ururka dhalinyarada beesha Subeer Awal ee Jiidali ayaa caawa lagu qabtay hotel Crown ee magaaladda Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay islamarkaana lagu cambaareenayay xadhiga ay xukuumaddu kulka kacday guddoomiyaha ururka Jiidali,oo muddo ka badan laba toddobaad ku jira saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa,waxaana ka hadlay xafladaas salaadiinta iyo odayada kasoo jeeda beesha Subeer Awal oo dhamaantood ku baaqay in xoriyadiisa loo soo celiyo guddoomiyaha ururka Jiidali.

Waxa xusid mudan in isla goobtii caawa ay dhalinyaradani ku qabteen xafladan ay ciidan isugu jiray boliis iyo kuwa gaarka u tababaran ee RRU-du ay ka kaxaysteen afhayeenkii ururka Jiidali Faysal Qumuj iyo xoghayihii ururkaas Maxamed Cabdikariin iyo waliba muwaadin kale oo isagu goobta munaasibadu ka dhacaysay ku sugnaa oo lagu magacaabo Cabdi Badal.

Hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalka qaabkii ay u dhacday xafladan lagaga soo horjeeday xadhiga guddoomiyaha Jiidali ee Daawasho Wacan

IMG_0892 IMG_0914IMG_0923

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here