Hargaysa(Hubaal)- Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa ayaa baaq u jeediyey shacabweynaha Somaliland, kuna adkeeyey adkaynta nabadgelyada iyo muujinta ilbaxnimadooda.
Md Muuse Cabdi Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo shir jaraa’iskaa ay ku wehelinayeen gudoonka sare ee xisbigu waxa uu ugu horayn sharaxay khilaafaadka soo kala dhex gala barlamaanada caalamka, waxana uu si buuxda u caddeeyey mowqifka xukuumadda eek u aaddan qabashada doorashooyinka