HUBAAL TV: DAAWO Sh. Aadan-Siiro Oo Farta Ku Fiiqay Xubno Xukuumadda Ku Jira Oo Uu Tilmaamay In Somaliland U Del-delantahay, Dalalka Deriskuna Ka Cabanayaan

0
39

HUBAAL Ka DAAWO SAWIRRO Faro Badan Oo Ku Suntan Salaadii Ciidda Ee Garoonka Xawaalde:   “Anigu, [Aadam] Haddaan Dhib Ku Noqdo Mujtamaca Somaliland, Maaha Inaan Qori Dable Sito Aan Dhinac Kasoo Geliyo Oo Aan Idhaahdo Dadkuna Ha Ila Xannibnaadaan… Xukuumadda Waxaan Kula Talinaynaa Inay Go’aan Ka Gaadho Afar Qof Oo Somaliland U Dal-dalan tahay Oo Dalalka Jaarku Ka Cabanayaan”

Hargeysa (Hubaal) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), oo maanta khudbad u jeediyay dadweynihii uu Garoonka Xawaadle ee Hargeysa ku tukiyey Salaaddii Ciidda, ayaa ka hadlay Mushkiladda dhulka ee ka taagan guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa, waxaanu sheegay in aanay aqbalayn in xukuumaddu ay iibiso dhulka Hargeysa.

Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay waajibaadka Golaha deegaanka ee Hargeysa, isaga oo ugu baaqay inay Magaalada ka guraan qashinka oo ay Magaalada kala habeeyaan.

Sheekha ayaa sidoo kale, ka hadlay dad uu sheegay inay xukuumadda ku jiraan, kuwaasi oo uu sheegay in wadamada Somaliland la deriska ahi ka cabanayaan, isaga oo xusay inay caqabad ku yihiin horumar Somaliland gaadho.

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu xukuumadda u soo jeediyay inay taladeeda mideyso, si looga badbaado khilaaf ka dhex qarxa oo marka dambena ummada u soo gudba “Waxaanu ku talinaynaa in xukuumaddu noqoto xukuumad wada socota oo taladeedu meel ka soo baxdo oo ay meel ku wada aroorto, oo ka wada tashata go’aanka ay qaadanayaan, haddii sidaa la yeeli waayo khilaafkeedu wuxuu soo gaadhayaa ummada gudaheeda, taasina dalka taladiisa ayay burbur ku keenaysaa”ayuu yidhi.

7(95)-tile

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dad uu sheegay in dalalka Jaarku ka cabanayaan, kuwaasi oo horumarka dalku u xaniban yahay “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa yaanu dalku u deldallaanin dhowr qof oo xukuumadda ku jira oo Wadamada Jaarku ka cabanayaan, waayo, innagu ummad xor ah oo tashanaysa ayaynu nahay, laakiin afar qof oo xukuumadda ku jira iyo afar Milyan, waxaanu dooranaynaa horumarka iyo ummadnimada afarta Milyan iyo taladooda, waxaanu leenahay waddanku yaanu afar qof u deldallaanin, arrintaasi waa arrin xaasaasiya, waa arrin ummado badan ay ka hadleen, annaguna aanu tilmaamayno, kuwaana waxaanu leenahay waxa wanaagsan inaydaan caqabad ku noqonin ummada horumarkeedii iyo ictiraafkeeda iyo yoolkii dheeraa ee ay ummadu hiigsanaysay” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Anigu, Aadan ahaan shaqsi-baan ahay, haddii aan dhib ku noqdo mushtamaca Somaliland, waa inaan u fududeydiyo oo aan fursad siiyo dadka intooda kale, maaha haddii aan qori dable sito inaan dhinac ka soo geliyo, oo aan idhaahdo dadkuna ha ila xanibnaadaan..”

Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu ku taliyey “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa inay kuwaasi taladooda qaataan (Go’aan laga gaadho arrinkooda)….”ayuu yidhi.

7(95)-vert

Aadan Siiro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here