Hargeysa -(Hubaal)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Hargeysa, isagoo xaaladdiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay ka dib markii uu socdaal Caafimaad oo muddo toddoba billood ah ugu maqnaa dalka Hindiya uu soo dhamaystay.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madax-dhaqameed, Cullimo Aw-Diin, Aqoonyahanno iyo Dadweyne tiro badan oo isugu jira Rag iyo Dumar, ayaa si heer sarre u soo dhaweeyey Sheekha, kuwaasoo kaga hor-tegay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dibna u soo galbiyey Huteel Guuleed oo uu kula hadlay dadweynihii soo dhaweeyay isaga oo sidoo kale ka war-bixiyey xaaladdiisa caafimaad oo uu sheegay Sheekhu inay fiican tahay wakhtigan.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Cullimadda waaweyn ee Somaliland, ayaa qalliin ku galay waddanka Hindiya ka dib markii Inantiisu ay u saartay mid ka mid ah kelyaheeda, halkaas oo lagaga beddelay kellida Xanuunkiisu ahaa ee buktay, Kellida Gabadha uu dhalay u saartayna loogu geliyey.
Sheekh Aadan-Siiro, ayaa sheegay inay xaaladdiisa Caafimaad aad u wanaagsantahay, waxaanu ugu mahad-naqay dadkii soo dhaweeyay iyo kuwii xaaladdiisa caafimaad la socday ee gudaha iyo dibedda-ba iyo Inantiisa baarriyadda ah ee nafteeda u hurtay, waxaanu yidhi; “Walaallayaal aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadka ehelkee kheyrka badan leh ee iga hor-yimid, waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa Inanta aan dhalay ee idin furatay, Somaliland oo dhan bay furatay, ehelkii oo dhan bay furatay, dhamaanteen culeys inna haystay bay innaga furatay.”
Sheekh Aadan oo wejigiisa ay ka muuqatay hillaw iyo kalgacal uu dadkiisa iyo dalkiisa u qabo, ayaa intaasi ku daray; “Waxa kale oo aan aad ugu mahad-naqayaa illaa 18-qof oo u soo diyaar-garoobay oo dadka ehelka ah ka mid ah inay kellidaa ii bixiyaan, laakiin aan anigu ku idhi horta bal annagu reer Xaaji Aadan Maxamuud ahaan aannu soo kala dhammaanno. Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkii faraha badnaa ee runtii igu xidhnaa ee habeen iyo maalin ila soo xidhiidhayay ee uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa illaa Kontomeeyo qof oo si hagar la’aan ah oo Insha Allaahu aan magacyadooda halka dambe ka soo sheegi doono, waxaan leeyahay Baaraka-laahu Fiikum.”
Sheekh Aadan, ayaa ummada Somaliland ugu baaqay inay ku faro-adaygan midnimada, nabadda iyo Qarannimada ay hastaan, waxaanu yidhi; “Dad yar baynu nahay Somaliland, nabadu waa lama huraan, midnimadeenu waa lama huraan, qaranimadeenu waa lama huraan. Wakhti xasaasi ah oo kala guur ah ayaan ku jirnaa, waxaynu ku heshiino si taa u ilaalino mar walba waxaynu ku heshiino ha la ilaaliyo, waxay ahayd inaan 6-billood sii joogo dhakhtarka laakiin waxaan doorbiday maadaama aan 7-billood idinka maqnaa inaan dalkii ku soo noqdo oo wax kasta oo jira oo duruufo caafimaad haddana aan nolosha idinla qeybsado.”
Hadalkan Sheekha ka hor ayaa kulankan waxa ka hadlay Wasiirrada Arrrimaha Dibeda, Diinta iyo Aw-qaafta, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Mulkiilaha Dugsiyada Nuura-diin iyo Sheekh Maxamed Aadan oo dhammaantood u duceeyey Sheekha iyo Inanta uu dhalay ee kellida u saartay-ba.