Gaza (Hubaal/w.wararka)- Warbixinno xasuuqa Yuhuuddu ku hayso shacabka reer Falastiin ee Gaza uu ka diyaariyey suxufi magaciisa la yidhaa Ayman Muxayadin, ayaa abuuray ammaan uu ka helay Muslimiinta iyo cadho ay reer Galbeedku u qaadeen.
Ayman Muxayadin oo ah suxufi u dhashay dalka Masar, kuna caan ah inuu ka soo warramo goobaha colaadaha, una shaqeeya hadda telefishanka NBC oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee dalka Maraykanka, ayaa magaalada Gaza ka diyaariyey warbinno qoto dheer oo uu ku soo bandhigay xasuuqa naxdinta leh ee ciidammada Yuhuuddu ku wado Muslimiinta reer Gaza oo maalintii 14 ciidamadeedu ku hayaan duqayn aan kala sooc lahayn oo cirka, dhulka iyo badda kaga ridayaan oo sababay in ay ku nafwaayaan 435 qof reer Falastiin ah oo u badan carruur, dumar iyo dadwaawayn oo aan wax dambi ah gelin.
Sheekhada suxufigan oo ka mid noqotay dhacdooyinka warbaahinta caalamku baahiso oo Jamhuuriya akhristayaashiisa ugu talogalay inuu u soo gudbiyo, ayaa ka bilaabantay kadib markii suxufigani uu warbixin gaar ah ka sameeyey weerar cirka ah oo uu goob-joog u ahaa oo Israa’iil ku dishay afar wiil yaryar oo da’doodu u dhaxaysay 9 ilaa 11 sanno jir maalintii Arbacadii, kuwaas oo iyagoo kubad ku ciyaara goob u dhaw hudheelka uu deganaa weriyuhu haleelay gantaal ay soo rideen diyaaraha Israa’iil, isla markaana uu ka diyaariyey war dhiilo leh oo si wayn u muujinaya xasuuqa Yuhuuddu ku hayso dadka rayidka ah ee reer Falastiin.
Sidoo kale, waxa uu suxufigani barta uu ku leeyahay shabakadda Facebook soo dhigay hadal tiiq-tiiqsi leh oo Waaxda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Maraykanku ku sheegtay in ururka Xamaas masuul ka yahay dilka Israa’iil u gaysatay afarta wiil ee yaryar iyo shacabka Falastiin, maadaama ay diideen xabad-joojintii Masar soo bandhigtay, taas oo dadweynuhu aragtiyahooda ka dhiibteen.
Haseyeeshee, warbixinaha xasuuqa Gaza iyo aragtiyaha uu dadweynaha u soo bandhigay Ayman Muxayadin, waxay cadho ka abuureen dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka oo xataa warbaahintoodu cambaaraysay, taas oo keentay in si ku-meelgaadh ah telefishanka NBC uga joojiyo suxufiga shaqadii uu wakiilka uga ahaa colaadda Falastiin.
Dhinaca kale, waxa shaqada suxufiga laga soo dhaweeyey dunida Muslimka oo ku ammaanay inuu muujiyey geesinimo uu ku soo bandhigay xasuuqa Yuhuuddu ku hayso dadka reer Falastiin oo ah wax ay ku faraxsanyihiin gaalada reer galbeedku. Waxaana dadweyne faraha badani dhambaalo hambalyo iyo bogaadin ah ka buuxiyeen baraha Facebook iyo twitterka ee Ayman Muxayadin, iyadoo sheekadiisu noqotay dhacdo wareed oo warbaahinda dunidu baahiyaan.
Suxufiga Ayman Muxayadin ayaa markale dib ugu soo laabtay shaqadiisa uu telefishanka NBC uga soo warramayey magaalada Gaza iyo colaadda u dhaxaysa Falastiin iyo Yuhuudda kadib dhawr maalmood oo uu u fadhiyey cadhada reer galbeedka darteed.