HUBAAL TV: DAAWO Taxane Ka Mid Ah Tiir-dhexaadka Taariikheed Ee Keydka MAHADHADA U Galay Madaxweyne Sillaanyo+Waraysi Uu Kaga Hadlay Waxtarka Shir-beelleedyadu U Leeyihiin Bulshada Somaliland

0
37

“ Shir Beelleedka Markaa Aynu Xusuusanno Su’aasha Ah maxay Inna Tareen ama Ina Yeelleen Illaa Immika…JAwaabtu waxa weeye marka run loo hadlo Waa lagu faa’iiday”.

*********

“…Bani aadmigu waxa uu isku og yahay   Axdi Qarameed wax la yidhaahdo   oo marka ay yimaadaan  wixii lagu ballamay, metellan Doorashooyinka iyo Intikhaabaadku ee ay dhici waydo, waxa Innoo Ballan ah in waxa laysu yimaado oo ummaddu qabsato [Shir Beelleed]”

Hargeysa (Hubaal)- Bahda HUBAAL MEDIA waxa ay Akhyaarta ku xidhan degelkan iyo akhristayaasha kaleba halkan ugu soo bandhigaysaa Mid kamid ah Taxanayaasha taariikheed ee aad nooga barateen kuwaas oo ku suntan maraaxilka Siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo Bulsheed ee Bulshadu soo martay.

Toddobaadkan iyo barnaamijkeena Taxanaha Tiir-dhexaadka Taariikhda Ee HUBAAL MEDIA Waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa Waraysi dhinacyo kala duwan leh oo Muddo Ku siman 18 Sanno Ka hor Lala yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo xilligaas ahaa xubin Kamid ah Golihii hab beelleedka ku fadhiyay kuraasta Aqalka Wakiillada.

Waraysigan oo qayb ka ah Cajalad dheer oo Documentry ah oo sanadkii 1996-kii laga duubay Somaliland taariikhdeeda siyaasadeed iyo caqabadihii waqtigaas jiray, kuwaas oo xukuumaddii xilligaas jirtay ee uu hoggaaminayay Marxuum Cigaal ay dul hoganayeen duruufo Siyaasadeed, Colaadeed, dhaqan dhaqaale iyo Bulsheedba.

Cajaladan Taariihda ah oo uu Duubay isla markaana waraysiga qaaday Cabdifataax Siciid Axmed oo Ahaa Xubin Qurbe Jooge ah oo xilligaas dalka u yimid ururinta taakhiid iyo wacaal ku suntan wacyiga jiray, kaas oo jaalliyadaha Somaliland ee dibadu aanay wax badan kala socon, sidaas darteedna uu u gudbiyo bulshada Somaliland ee qurbaha ku dhaqnaa.

Cabdifataax oo Haatan kamid ah Masuuliyiinta Madaxweyne siilaanyo xilalka maqaar saarka ah u dhiibay, una magacaabay la talihiisa arrimaha hay’addaha ayaa xilligaas waraysiyo ka qaaday wasiirro, xildhibaano, oday dhaqameedyo, iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Haddaba Waxa aanu halkan idiinku soo bandhigaynaa qayb ka mid ah cajaladaas, oo uu ku waraysanayo Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweynaha Somaliland oo xilligaas ahaa xildhibaan Golaha Wakiillada ku jira, waxaana uu waraysigan kaga hadlayaa arrimo ay ugu muhiimsan tahay Shir beelleedyada iyo saamaynta togan ama taban ee ay bulshada u leeyihiin, isaga oo waraysiga uu bixiyey ay kamid ahaayeen Jawaab uu dhowr qoddob u kala qaaday oo uu ku muujinayo waxtarka Shir beelleedyada, kuwaas oo uu yidhi sidan:

“Su’aasha Shir Beelleedka Marka Laga Hadlayo, Illaa Waqtigan Aynu Immika Joogno Shir Beeleedku waa qaabka qudha ee Ummadda Somaliland, Markaa Aynu Xusuusanno Shir Beeleedyadu maxay Inna Tareen ama Ina Yeelleen Illaa Immika…JAwaabtu waxa weeye marka run loo hadlo Waa lagu faa’iiday.

“Arrinta labaad, Shir Beelleedyada Waayo Arag baynu ku nahay, amase waxa la odhan karaa mid waliba waqti adag, marxalada aad u adag la marayay oo haddii aan markaa la qaban oo aan ummaddu isu iman ay innagu adkaan lahayd in xilligaas adag laga baxo” 

“Arrinta Saddexaad waxa weeye Bani aadmigu waxa uu isku og yahay Ballan iyo Axdi Qarameed wax la yidhaahdo kuwaas oo marka ay yimaadaan ama uu yimaado wixii lagu ballamay, metellan Doorashooyinka iyo Intikhaabaadku haddii marka la gaadho ay dhici waydo, waxa Innoo Balan ah in waxa laysu yimaado oo ummaddu qabsato [Shir Beelleed]”

Capture

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here