HUBAAL TV: DAAWO DAWLADDA Somaliland Oo Ka Hadashay Qaraxii Jabuuti “Dadkii Qarxiyey Jabuuti Wadada Way Mari Karaan Laakiin Warbixinta Waxa U Gudbiyey Ee La Shaqeeyey Waa Somaliland”-

0
51

DAAWO Wasiir Sheegay In Madaxweyne Siilaanyo U Wakiishay Farriin Uu Gaadhsiiyey Dawladda Djibouti

“Dadkii Qarxiyey Jabuuti Wadada Way Mari Karaan Laakiin Warbixinta Waxa U Gudbiyey Ee La Shaqeeyey Waa Somaliland”…”Anigoo Ku Hadlaya Afka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbigeedaba, waxaan Dawladda Jabbuuti Gaadhsiiyey….”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Buureed Ayaa ka warramay safar gaaban oo uu ku tegey wadanka Jabuuti, halkaas oo uu gaadhsiiyey Dhambaal tacsi ah oo ay Dawladda Somaliland kula qayb-sanayso dhiggeeda Djibouti baroordiiqda qaraxii toddobaadkii hore ka dhacay dalkaasi.

vlcsnap-2014-06-03-23h46m54s132
Wasiir Buureed oo Waraysi kooban Siiyey shalay Weriye Khadar Macalin Deeq oo katirsan Telefishanka Bulsho waxa uu sheegay in safarkan oo muddo saddex maalmood ah qaatay uu dawladda jabuuti ku gaadhsiiyey farriin uu Madaxweynaha Somaliland ugu dhiibay, isaga oo ka tiiraanyaysan dhacdadaas foosha xun, waxaanu intaa ku daray in Raysal wasaaraha dalkaas Jabbuuti uu kulan la yeeshay isla markaana ka guddoomay dhambaalkaas.

Haddaba waraysiga Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo dhamaystiran halkan ka daawo


vlcsnap-2014-06-03-23h46m33s184
vlcsnap-2014-06-03-23h46m26s109

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here