“Madaxweynuhu Shalay Waxa uu Ku Baaqay In Wadanka La Difaaco, Annaguna Waanu ku taageersannahay in Dalka la Difaaco, laakiinse Dawladdu Waxay Hormood ka tahay Kala Qaybinta dadka, TV-gii Qaranka ayay Dawladdu U Isticmaalaysaa Dacaayadaha raqiiska ah ee lagu aflegaadaynayo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.”
**************************
“Waxa kale oo Ayaan darro weyn ah oo Yuusuf U Xidhan yahay Xafladdii Crown ee uu ku cabirayay ra’yigiisa, Immika uma xidhna Musuqmaasuq iyo qoraal uu nin ka qoray afkii uu ku hadlay, taasina waxa ay tahay cabudhin la cabudhinayo dadka, keligiina maaha ee dad badan baa la goobayaa. waxaa intaa dheer ragga mujaahidiinta ah ee jeelasha ku jira ee iyagu u xidhan siyaasadda, waxaana halkaa ka cad in qoddobkii heshiiskii guurtida aan iyada weli la fulin”
Gabiley (Hubaal)- Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, dhalinyaro iyo Taageerayaal ka Tirsan Xisbiga KULMIYE ayaa Maalintii Shalay Xabsiga Magaalada Gabiley ee xarunta gobolkaasi ku booqday Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Horaantii todobaadkan Xabsigaasi loo wareejiyey kadib markii Fadhigii Maxakamadda ee u dembeeyey damaannadii lagala noqday.
Masulliyiintan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Hanad oo ka tirsan Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, Siyaasi Axmed-like isna kamid ah Siyaasiyiinta waqti xaadirkan sida adag u naqdiyey siyaasadda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Aqoonyahano iyo dhalinyaro tiro badan oo kamid ah taageerayaasha hoggaanka Xisbiga KULMIYe waxa booqashadii ay Xabsiga ugu tageen Guddoomiyaha iyo Mujaahidiin kale oo xadhig siyaasi ah u xidhan kadib shir saxaafadeed ku qabteen xarunta gobolkaas ee Gabiley.
Shirkaas Jaraaid oo ay kaga hadleen arrimo door ah isaga oo dhamays tiran halkan hoose ka daawo.