HUBAAL TV DAAWO: Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Maanta Si SarraaxadLeh Uga War-celiyey Eedihii Cabdillaahi Cukuse Ku Xidhiidhiyey Kursigiisa

0
31

“…Waxba Ka Sheegi Wasiir Cukuse Shakhsiyaddiisa Laakiin Xilka Qabashada Doorashadu Xukuumadda Ayuu Saaran Yahay Ta Golaha Wakiillada Ha Noqoto Ama Madaxtooyada Ha Noqotee”

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Ayaa Markii U Horeysay ka jawaabay Eedihii Dhawaan Uga Yimi Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee  ku suntanaa Muddo Kordhin loo samayn doono Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cirro Oo War fidiyeennada ugu warramay gegida Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa  wax yar kadib safar uu kaga soo laabtay Maanta  socdaal dhowr maalmood qaatay oo uu Dalka Jabbuuti ku tegey waxa uu sheegay in warka keliya ee dhegaha shacbiga Somaliland iyo guud ahaanba beesha caalamku  ay maqli karaan oo keliye xilliga la qabanyo doorashada Madaxtooyada isla markaana aanay u dhadhamyn muddo kordhin loo samayn doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marka muddo xileedkiisu idlaato sanad kadib.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kale oo uu ka hadlay waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkiisa uu Jabbuuti kaga soo laabtay, waxaanu yidhi “Waxaan safar hawleed oo kooban ku tegey Jabbuuti, sida aad ka war qabtaanna  Innaga iyo Jabbuuti waxa Innaga dhexeeya Cillaaqaad ballaadhan, oo dhaqan, ganacsi iyo iskaashiba leh, muddadii koobnayd ee aanu dalkaas joognayna waxaanu marti u ahayn dawladda wadankaasi,  waxaanu is aragnay madaxda dalkaas hadday tahay madaxweynaha iyo hadday madaxda kaleba tahay,  waxa ugu badan ee aanu ka wada hadalnayna waxa kamid ahaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal”. Sidaa ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaa ku daray  isaga oo ka hadlay aragtidiisa ku wajahan doorashada la quudarraynayo in dalka ay ka dhici doonto kal dembe marka uu dhammaado muddo xileedka madaxweynuhu iyo rejada uu qabo inay qabsoonto “Guud ahaan dareenka dunida iyo sidaan qabo ka shacbiga Somalilandba maanta wax kaliya ayaa la sugayaa waxaana xukuumadda laga sugayaa oo lays weydiinayaa goormay qabanaysaa doorashada. Diiwaangelintu waxa weeye dadka codaynaya ee qaangaadhka ah ee Somaliland baa la diiwaangelinayaa, arrintaas meel fiican bay soo gaadhay oo waa laga wada shaqeeyey, laakiin laba arrimood baa ka qabyo ah. Waxaana weeye ansixinta, wax ka beddelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta oo berigii hore ee aynu aynu diiwaangelinta samaynay waxa lagu salleeyay faraha, laakiin maanta waxa lagu daray faraha, maantana waxa xukuumadda laga sugayaa arrintaas oo goluhuna waajibkiisa ka guto”.

Geesta kale guddoomiye Cirro waxa uu ka war celiyey hadallo ka sooyeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaasi oo nuxurkiisu ahaa eeddo ku socda Guddoomiye Cirro iyo Kursiga uu ku fadhiyo, waxanu yidhi “Wasiirka warkiisa maan dhegeysan, waxna ka sheegi  Cukuse Shakhsiyaddiisa laakiin Muddo kordhinta shacbiguna ma ogolla, caalamkuna ma ogolla, waxaa la doonayaa doorashadu inay waqtigeedii ku dhacdo, muddo kordhin baa la sheegayay  lagaga  hadlay Baarlamaanka, xilka qabashada doorashadu ama golaha wakiillada ha noqoto ama madaxtooyada ha noqotee Xukuumadda ayuu saaran yahay”.

cirro soo noqdayDSC09372

DSC09378

cirro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here