HUBAAL TV: DAAWO Xiddigta Hobolladii Waaberi Ee SAHRA AXMED JAAMAC Oo Hees Cusub Sannadkan 2014-ka Soo Saartay & Luuqdeeda Macaan Oo Dhegtu Xusuusannayso Waayo-Waayo iyo Beri-samaadkii
Hargeysa (Hubaal)- Akhyaarta Qiimaha badan eek u xidhan HUBAAL MEDIA waxa aanu halkan idiinku so gudbinaynaa Hees Qalanbaawi ah oo aad u macaan oo ay dhawaan soo saartay Fanaannada weyn Ee Sahra Axmed Jaamac oo iyadu muddo aan lagu arag dhegtuna ku maqal masraxa fanka.
Heestan oo Hal ku dheggeedu yahay DADAB GAL, waxa midhaheeda ay Maskaxdiisa ka soo maaxatay Abwaanka Weriyaha Ah Ee Cali Axmed Raabi (Cali SEENYO), Waxaana Naaxiyadda ku ladhay Muusiga Macaanna U tumaya Muusikaystaha Caanka Ah ee Axmed Weli Ibraahim Furinle.
Heestan oo ah mid loogu talo galay Maxfallada Aroosyada, isla markaana duco iyo farxad isugu ladhan, waxa Fanaannadu ugu talo gashay Lammaanayaasha ku hawlahan yagleelida raas cusub iyo dhismaha Aqal tafiirtiisu ka mid noqoto Bulshada.
Fanaannada Sahra Axmed Jaamac oo Waayadii u dembeeyayba ku sugnayd Dalka Hooyo, gaar ahaana Magaaladda Hargeysa oo ay sanadihii u dembeeyey degennayd, kadib markii ay kasoo laalaabtay dalalka qurbaha oo ay muddo ku maqnayd, waxa heestani kamid tahay suugaantii u dembeysay ee ka mid noqota keydkeeda aadka u badan ee Heesaha.
Haddaba Heestan oo soo gudbinteeda ay idiin fududeydiyeen bahda HUBAAL Media oo isku dubariday soo saaristeeda ayaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa ee Shifo ku afsaara iyo dhegeysi wacan: