Guddoomiyaha KULMIYE Oo Dacwada WADDANI U Gudbiyey Maxakamadda Sare Ku Maseeyey Guddoomiye Cirro Oo Golihii Uu Hoggaaminaya Dacwaynaya
“Isniintii Dhawayd Komishanku Waxay Saddexdayada Guddoomiye Xisbi Nagu Yidhaahdeen Doorashadii Madaxtooyada Waa La Gelayaaye Saw Diyaar Uma Tihidin, Annaguna Haa Baanu Nidhi, Kadibna…….”
Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku eedeeyey Dacwadda Xisbigiisu u gudbiyey Maxkamadda sare inay tahay Guddoomiyihii Baarlamaanka oo Golihii uu hoggaaminayey Dacwaynaya. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inay wax lala yaabo tahay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka dhan ah go’aanka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku kala qaaday ama ku kala reebay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isagoo Guddomomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ee Kalsoonida go’aan ka gaadhista Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada gobolladu ku kala yeelanayaan, in markii Madaxweynuhu go’aanka ka gaadhay uu hadda diidmo iyo dacwad ka keeno.