Djibouti (Hubaal)- Qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Jabbuuti ee xarunta dalka Jabbuuti ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Ugu Baaqay Inuu Dib u bilaabo wada hadalladii uu hore u sheegay inuu la galayo Xubnaha Mucaaridka ku ah Siyaasadiisa.
Dadweyne ka kala yimi Xaafadaha Bel-bella Caadi, Kartiile, Xumbulli, Sheekh Muuse iyo Xaafado kale ayaa Isu soo bax ay maanta ka sameeyeen Magaaladdaasi waxa ay kaga codsadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle innuu taabo-geliyo wada hadalladii uu sheegay inuu Mucaaridka la galayo.
Wararka Laga helayo Isu soo baxaasi oo waqti kooban socday isla markaana farriinta keliya ee uu xambaarsanaa ahayd dareenka mucaaridka ayaa la weriyey inaanu wax khasaare ah dhalin isla markaana intii aan Ciidammada ammaanku imanba lagu kala dareeray.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Jabbuuti oo ku suntan Isu soo baxan oo Muuqaallada uu huwanaa ay ka muuqatay in yihiin taageerayaasha Xisbiga Mucaaridk aah ee USN-ta, Kaas oo Madaxweyne Geelle Hore u sheegay in Miiska Wada hadalka lagu dhammeeyo wixii tabashooyin ah, sidaas darteedna uu ugu baaqayo Mucaaridkiisa iyo dadka taageersanba inaanay ku kicin wax amniga khalkhal gelinaya.