HUBAAL TV KA DAALACO: Warbixin Laga Soo Saaray Baadhitaan Musuq-maasuq Oo Kambani Maraykan Ahi Afar Bilood Ah Ka Waday Jaamacadda Hargeysa+Dhegeyso Waraysi Gaar ah Oo HUBAAL Media La Yeelatay Guddoomiyaha UoH
GUDAHA KA AKHRI: Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Hadlay Natiijadii Baadhitaankaas iyo Warar Sheegaya Inuu Shaqada Iska Casilayo
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas Ayaa Markii U Horeysay ka hadlay waxa ka jira warar maalmihii la soo dhaafay laysla dhex marayay oo sheegaya in uu xilka uu hayo ee Hoggaanka Jaamacadda Hargeisa (UoH) iska Casilayo.
Warar aan la xaqiijin oo suuqa galay ayaa sheegaya in is-tiqaallada shaqada uu u hayo Guddoomiyuhu Jaamacadda Hargeysa ku xidhiidhiyey khilaaf ka dhashay hormoodyada [Deans] kala duwan ee ka mid ah UoH oo Guddida guud (Boardka) ee Jaamacaddu shaqadii ka rusqeeyeen.
Haddaba Prof. Cabdi Xuseen Gaas Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo Waraysi Gaar ah siiyey Bahda HUBAAL Media ayaa Arrimahaas iyo amuuro kale oo la xidhiidha hab sami u socodka shaqada Jaamacadda uga warramay.