HUBAAL TV Ka DAALACO: Wasiirkii Mushaharka U Laban-laabay Shaqaalaha Dawladda Oo Mucaaridka Uga Digay Jid Qodxo Leh Oo Xukuumaddu Ku Raad-baratay Iyo Sheeko-baralley Xisbiga Madaxweyne Siilaanyo Eeday

0
24

“Markaan Wasiirka Ahaa Ayaan IDAACAD [War-laliska Radio Hargeysa] Soo Iibiyey, Immikana La Iima Ogola Inaan Ka Hadlo, Wixii Dadka Aad U Sheegi Lahaydna La Sii Deyn Maayo”

“Haddii Aanay Caddaaladi Jirin Nin Kasta Oo Wax Is Moodaa Waxa Uu Ku Dembeeyaa Baaba’, Ballan-qaad Aan Fulayn Ayaa Ina Dishoodaye, Waxaan  Madaxda UCID Uga Digayaa Inaanay Samayn Ballan-qaad”

HUBAAL TV Ka DAALACO: Wasiirkii Mushaharka U Laban-laabay Shaqaalaha Dawladda Oo Mucaaridka Uga Digay Jid Qodxo Leh Oo Xukuumaddu Ku Raad-baratay Iyo Sheeko-baralley Xisbiga Madaxweyne Siilaanyo Eeday 

Hargeysa (Hubaal)– Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay muhiimadda caddaaladda oo lagu hoggaamiyo dalka, maadaama oo caddaaladdu wax walba sees u tahay.

Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga UCID ku qabtey Hargeysa, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan qabaa in dalkani qabo baahi caddaaladeed, caddaaladi haddii aanay jirin nabadgalyo lama helo, horumarna lama gaadho haddii aanay caddaaladi jirin, burbur lagama baaqsado, haddii aanay caddaaladi jirin, nin kasta oo wax is moodaa baa’ba ayuu ku dambeeyaa haddii aanay caddaaladi jirin. Madaxda UCID, waxaan uga digayaa ballan-qaad aanay fulineynin, waayo taasi way inna tishootey”.

Eng. Xaashi waxa kale oo uu sheegay “Haddaad imika eegtaan inta Wasiir iyo xildhibaan ee guryo dhisaneysa, waxaad arkaysaa inay innagu bilaabantay booli qaran oo la boobayo daarihii iyo wixii ummadu lahayd, taana dalkani uma qalmo, waayo waa dal dagaallo ka soo baxay, waxay ahayd in wixii aynu helaba aynu meel gelino”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray inaan loo ogoleyn idaacadda Radio Hargeysa oo uu sheegay inuu soo iibiyey wakhtigii uu Wasiirka Maaliyadda ahaa “Markii aan wasiirka ahaa ayaa la yidhi waxa loo baahan yahay idaacad, waanan soo iibiyey, Idaacaddii immika la iima ogola inaan ka hadlo, wixii aad dadka u sheegi lahayd la sii deyn maayo”.

 

 

Maxamed XAashiu

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here