Su’aal U Dhignayd Sababta Ay Weli Xabsiga Ugu Jiraan Sheekh Sunne Iyo Farxaan Xidig ayuu Wariye Bedri Koosaar kula soo booday Wasiirka Daakhiliga Somaliland. Wasiirka oo Su’aal shoodh wadata ka hor geeyay Wariyahii ayaa keentay in Wariyihu isna dhankaa iyo dadka u tilmaamo Su’aashii wasiirka. Intaasi kadib Wasiirka ayaa ugu dambeyn kaga yeedhsiiyay wariyihii jawaabta uu ka sugayay oo u dhacday siduu isla wasiirku rabay. waana tan wixii dhexmaray:
WARIYE: Wasiir Maxay Sheekh Sunne Iyo Fannaan Farxaan Xiddig Ku Xidhan Yihiin?
WASIIR: aaal….aaal, Baddii Baad Ila Gashay…….Maanta Dhirta Ka Hadal… Horta Maanta Maalintii Dhirta Ayay Ahayd KOOSAAR-OW….Hhhh…..Miyaad Diidan Tahay Qofkii Dembi Gala In La Xidho?………
WARIYE: Dadka U Sheeg
WASIIR: Maye Adigu Ma Diidan Tahay?…Ii Sheeg dee…. Ka Jawaab…dee Haa Ama Maya mid uun Dheh Ileyn Qof Muwaadina Ayaad Tahaye, qofku hadduu dembi galo in la xidho munaasib ma tahay?….dee hadal……dee hadal?
WARIYE: aa..aa……Ma DEMBI………..een..een…..cid walba in dambigeeda lagu Qaado………….WASIIRKII: hhhhhh…haa dee cid walba in dambigeeda lagu qaado, FARIID,,hhhhhh…haday dambi galena waxa la gaynayaa maxkamadda oo layska hayn maayee waa la eegayaayoo, dembigoodaa la caddeynayayoo, bannaan baa lagu qaadayaa