HUBAAL TV Ka Daawo: Dhalinyaro Gadood Ku Qabsatay Xaflad Ay xukuumaddu iska hor taagtay + Booliskii Loo Diray Oo Joojin Kari waayay

0
62

Hargeysa (Hubaal) Hal-doorka dhalinyarada Beesha Subeer Awal ayaa caawa xaflad balaadhan oo ay ku taageerayaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana ay ku qaadacayeen go’aankii dhawaan guddida golaha guurtidu ku xaliyeen khilaafka Kulmiye waxay ku qabteen hotel Crown.

Xukuumadda Siilaanyo oo aad uuga soo horjeeday xafladan ayaa waxa ay goobta ay ku qabanayeen xaflada la soo dhoobay boolis isla markaana isku dayay inay baajiyaan xafladan, balse ay dhalinyaradani ku gadoodeen oo ay xoog ku qabsadeen xafladoodii, markii ay boolisku yimaadeen huteelka ayaa

Masaajid ku dhex yaala huteelka Crown oo masuuliyiin mujaahidiin uu kamid yahay Engineer Maxamed Xaashi oo ku tukanaysay salaadii Cishaa’I ee caawa ayaa ciidamada boolisku ay korka kaga xidheen. Arrintan ayaa waxa ay timid kadib markii ay xukuumaddu ka war heshay dhalinyaro soo abaabushay xaflad oo huteelka crown ku qabsanaysa ayaa waxa meesha loo soo diray ciidan boolis ah oo isku dayay inay ka hor tagaan qabsoomida xaflada, hase ahaate dhalinyaro fara badan oo isugu yimid xafladaa ayaa ku gadooday askartii la soo diray oo xoog ku qabsaday xafladoodii, sidoo kalena waxa ay xoog kaga fureen odayaashii iyo mujaahidiintii albaabka masaajidka uu boolisku dusha kaga xidhay.

Dhalinyaradan xaflada soo abaabushay ayaa waxa ay taageero ugu muujinayeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isla markaana ay ku qaadacayeen go’aankii khilaafka Kulmiye ee dhawaan giddida golaha guurtidu ku dhawaaqday.

Tan iyo intii ay guddida golaha guurtidu ku dhawaaqday go’aankii ay ku xalisay khilaafkii xisbiga Kulmiye ayaa waxa soo baxaya abaabullo is daba jog ah oo ay xukuumaddu ku abaabulayso salaadiinta reeraha inay taageeraan musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo, halka dhalinyarta ay salaadiinta u yihiin na ay kaga jawaabayaan taageerida guddoomiye Muuse Biixi Cabdi

_MG_1574IMG_0111

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here