Hubaal TV Ka Daawo Video Dhameystiran: Haween Weynaha Beesha Subeer Awal Oo Taageero Laxaad Leh La Garabgalay Guddoomiye Muuse Biixi + Fariimo Adag Oo Ay U Direen Siilaanyo Iyo Saleebaan Gaal
Haweenka Beesha Subeer Awal ayaa Mawjado Dhulgariir siyaasadeed Ku Furay xukuumada Siilaanyo
Hargeysa (Hubaal) Haween weynaha beesha Subeer Awal ayaa taageero laxaad leh u muujiyay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin,madaxweyne Siilaayona ku tilmaamay mid aan u gudin abaalkii ay u galeen ka beel ahaan.
Waxa ay haweenkani dhaliil iyo cambaareyn u jeediyeen guddoomiyaha golaha guurtida oo ay ku sheegeen in uu xigto iyo reernimo uugu hiiliyay Siilaanyo,isla markaana aanay ogolaan doonin gartii dhinaca ka rarneyd ee Saleebaan Gaal
Waxaana ay xuseen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Muuse Biixi Iyo Ku xigeenkiisa maxamed Kaahin