HUBAAL TV Ka DAAWO+HALKAN KA AKHRI: Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Xilkii Iyo Xubinnimadii Xisbigaas Ee Uu Xalay Ku Dhawaaqay Xog-hayihiisii Khaarijigu

0
31

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Ka hadlay Is casilaada uu ku dhawaaqay Xog-hayihiisii Arrimaha dibedda MAxamed Cismaan Fadal oo Xalay ku dhawaaqay inuu Xilkii xisbigaas iyo xubinimadiiba iska casilay.

Guddoomiye Cirro oo Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland Maanta wax ka weydiisay arrintaas waxa uu yidhi “Muwaadin kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu xukuumada ka baxo Waddanina ka baxo, Xisbigan kamuu bixin ee sida la sheegayo waraaqda isoo gaadhay is casilaad uunbaa ku taalay,Muwaadin kastan xaq ayuu u leeyahay inuu is casilo,Tageero badana xisbiga wuu u keenay waxaana lagu sababaynayaa uun is casilaadiisa duruufo isaga u gaar ah,waxa xumaan ah oo uu xisbiga ka sheegtayna ma jiro anagana ka xisbi wadani ahaan aad ayuu loona shaqeeyey.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa ka gows adayga inuu sheego sababta ugu wayn ee uu isku casilay Xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga wadani,waxaana laga dhur sugi doona halka uu ku biyo shubto.

uvs140828-002

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here