Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid mujaahid Cali Guray ayaa walaac weyn ka muujiyay doorashooyin qabsooma bisha June ee sanadkan isla markaana diba u dhaca ku yimid hawlaha doorashooyinka oo aan si habsami ah u socon dusha ka saaray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay inaanay diyaar u ahayn inay qabsoomaan doorashooyinku muddadii loogu talagalay, Cali Guray ayaa hadalkan ka sheegay wareysi gaar oo maanta isga iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Waddani ay wadajir u siiyeen telefiishenka Star.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Ucid Cali Guray ayaa ka dayriyay xaaladda dalka taas oo uu sheegay in xaalad adag oo siyaasi ahi ay dalka ku soo fool leedahay “doorashooyinkii dhici lahaa June ee sanadkan,tuur iyo tarbicaa laysku yeelay oo Geed dheer iyo mid gaabanba waxa loogu istaagay inaanay dhicin doorasho,taasina waxay timid markii madaxweynuhu yidh..“aniga mudadayda maalin-na la iigu dari maayo”..waxaana nasiib daro ah Inta doorashooyinkaa fashilisay inay tahay inta isga ku xeeran”
Cali Guray oo walaac uu ka qabo xaaladda dalku marayo haatan awgeed sheegay inuu u qorayo warqad furan oo si toos ah uu ugu socod siinayo madaxweyne Siilaanyo,taas oo uu tilmaamay inaanu wakhtigan warbaahinta ku soo bandhigayn “waxaan diyaariyay warqad furan oo toos ugu socota madaxweyne Siilaanyo,oo xaaladan iyo talooyinka lagaga baxayaba aniga oo shakhsi ah aan toos ugu qoray…aniga oo ka warqaba misna og in Axmed Siilaanyo aanu wax talo ah ka qaadan bulshada” ayuu yidhi Cali Guray
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani axmed Muumin Seed ayaa isna sheegay in dalku maanta uu marayo xaalad aad u adag oo dhanka ammaanka oo ku soo cusboonaaday gobolada dalka qaar,sidoo kalena sheegay in kala daadsanaan baahsan ka muuqato xukuumadda
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WAREYSIGA OO DHAMEYSTIRAN