Hargeysa (Hubaal): Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland ayaa si rasnmi ah u shaacisay inay ku guulaysatay in Madaarka Cigaal ay ku xidho laydhkii suurto galinayey inay diyaaradahu adeegsadaan wakhtiga habeenkii.
Madaarka oo aan hore u lahayn laydhka sahlaya in diyaaraduhu habeenkii soo fadhiistaan ayaa hadda loo sameeyay, waxaana habeenkii xalay ka kacday diyaarad, si loo tijaabiyo loona hubiyo sida loogu kalsoonaan karo laydhka habeenkii diyaaraduhu ku soo fadhiisan karaan ee lagu rakibay hareeraha Run-way-ga Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Mashaariicdan Balaadhan ee lagu soo kordhiyay Madaarka Hargeysa ayaa maanta waxa xadhiga ka jaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Halkan Hoose Ka Daawo Video dhamaystiran oo ku suntan khudbadahihii madaxweynaha iyo wasiirka Duulista ka jeediyeen munaasibada xadhig ka jarista