“…Xataa Dadkii [Intellectuals-ka Ahaa] ee Dareemay In Waxani [Dawladdu] Qaldan Yihiin Ayaa Madaxa Lagaga Fadhiistay”- DAAWO Hadal Dhaxal-gal Ah Oo Abwaan Gaarriye AHUN Isku Bar-bar dhigay xidhiidhka Ka Dhexeeya Dawladnimada iyo Reernimada
Hargeysa (Hubaal)- Alla ha u naxariistee Macalin Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo kamid ahaa Foollaadka Aqoonyahannada iyo Suugaanyahanka bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa is barbar dhigay halka sartu ka qudhuntay ee ay dadka Soomaaliyeed iskugu qalado dawladnimada.
Abwaan Gaarriye Naxariitii Janno alla ha ka waraabiyee mar uu ka hadlayay cabudhinta ra’yi dhiibashada iyo qaladka laga fahmo haddii nidaamka dawladeed la dhaliilo waxa uu yidhi: “ Markaad ka hadlayso cabudhintan suugaanta lagu hayo, ee looga soo fac tirinayo ilaa iyo waqtigii boqorrada, horta dadkeenan Soomaalida ah arrintaas wax baa innoo dheer, Ninkii Jiray Wuxuu Yidhi Hasha Kud Waa Dilay Waxna waa u wehesheen. Horta anigu waxaan dareemay, Soomaalidu waa qabaa’il oo xoolo dhaqato ayay ahayd, intii isku qabiil ahiba daaqa iyo biyaha iyo xooluhu wuu ka dhexeeyey ooh awl wadaag bay ahaayeen, oo tusaale ahaan haddii aniga lay soo weeraro oo geelayga la qaado, iyaga (Dadka) geelloodii baa la qaaday oo waxa la odhan jiray yaa maali jirayeey. Caqliyadii caynkaa ahayd oo ku sax ah marka bii’adeed la joogo , markaasaa waxa jira wax guud oo qabiilkaas ka wada dhexeeye oo dhulku ka mid yahay, geellu ka mid yahay oo dhegtu [sharafta] ka mid tahay, metelan waxaa uu ku odhanayaa qofku [kaasi] waa gabayaagayagii oo marka Cali Dhuux laga hadlayo beel baa tirsanaysa”. “Innagoo sidaas u nool ah baa niman reer Yurub ahi inoo yimaadeen oo dawladnimo inna siiyeen oo ay yidhaahdeen dawladnimadan qaata, dabadeedna nidaamkii dawladnimada ayaynu tii geelleenii ku dabaqnay waana halkay sartu ka qudhmayso, dhaqankii geella innagoo ku jirna ayuun baa aynu nidhi waa Kursigayagii, tusaale ahaan Wasiirka Tacliintu dadka oo dhan buu wasiir u yahay oo wasiir qolo maaha, laakiin haddii qolo tirsato wasiir qaran maaha, immika haddii aad Wasiirka tacliinta ka hadasho waa lagu qabsanayaa, oo calankii iyo Madaxweynenimadii baa cidi sheegatay, dee [Madaxweynuhu] cid uun buu noqon lahaa, ciddii uu noqday uun bay waxay u qaadatay geelloodii, halkaas weeye halka mushkiladu ka dhalatay ee caqliyagu iska af garan la’dahay.
Markaa Geelloodaa [Dawladnimada] ay hareeraha iska taageen ee ay ilaashanayaan ayaa anigoo wadankii kula dhashay oo kursiga la leh ayuun baa waxa uu u qaatay haddana kaba hadlo nin shisheeye ah oo ku haysta geelloodii, wuxuu ku odhanayaa ‘Xagguu ka yimi kani, ka jooji’ aniguna waxaan odhanayaa ‘waar wadankaan ku dhashay, waar Hargeysa ayaan ku dhashay oo illaa awawgay baa ku noolaa oo halkan baad iigu timi oo aad igu qabsatay, waxan aad geella [Kursiga] u haysatana waan kula leeyahay”. “Markaa Suugaantuna intan uun bay ka hadashaa, suugaanta oo keliya maaha ee cidda ka hadasha arrintaas aan sheegay iyo xataa dadkii Indheer garadka mutacalminiinta ahaa [Intellectuals ] ee dareemay in waxani qaldan yihiin ayaa madaxa lagaga fadhiistay, markaa waxaydaan Afrika ugu dheeraan ka hadalkeeda waar nimankani geelloodii bay bahashan u haystaane ha la yidhaahdo ka kaala miyigii ee dawladnimada sidan gaalladu u haysto u fahma oo cabudhintan, cadaadiskan iyo ninkan madaxa igaga joogsanaya markaan fikradayda dhiibto halaga il baxo, hadda mid miskiina oo ka aan u hadlayo ah ayaa xanaaqaya oo odhanaya ‘Madaxweynahayagii buu soo hadal qaaday’ oo shafkuu kuu garaacayaa, markaasaad odhanaysaa ‘Waar waad bakhtiyeysaan yaa tabcaan, adaan kuu hadlayaa’ waa halkaas halkaan ka hadlayaa, waayo bal ka n eeg bakhtiyaya ee igaga daran dawladnimadiiba” Sidaa ayuu yidhi Marxuum Macalin Maxamed Xaashi Dhamac oo Horaantii Sagaashamaadkii Ka hadlayay barnaamijka Sirta Ereyga loo yaqaan ee ka baxa Telefishanka Dawladda Jabbuuti, kaasi oo uu soo saare ka ahaa Aqoon yahan Maxamed Cabdillaahi Riiraash
.