HUBAAL TV: Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Sillaanyo] Goorma Ayuu Hadalkan Mahadha Reebay Ku Tiraabay?- GUDAHA KA DAAWO Video Xusuus Leh

0
59

“… Dastuurku Waxa uu Xaq innoo Siinayaa In Warbaahin Xor ah aynu Helno…Su’aashu waxa weeye Warbaahintaas Xorta Ah Dalku Maanta Ma Leeyahay Mise Waa Maya?….”  Warbaahinta Dawladdu Inay  Axsaabtu aaraa’dooda  Ku Gudbin Karaan Ma tahay Mise Maaha?”- Axmed Siilaanyo

Hargeysa  (Hubaal)- “Waxaad Mooddaa Saxaafadda Inteeda Badani Inay Ku Eegtahay Magaalo Madaxda….Radio Hargeysa Waa Radio-ga Kaliya ee Qaranku Leeyahay, Sharciga iyo Dastuurkuna Waxa uu Xaq innoo Siinayaa In Warbaahin Xor ah aynu Helno…Su’aashu waxa weeye Warbaahintaas Xorta Ah Dalku Maanta Ma Leeyahay Mise Waa Maya?….Radio-ga Waynu Ognahay Oo Waxa la leeyahay Ku kale la furi mayo…Dalka Intii bandanna ma gaadho haddii uu gaadhana…..Warbaahinta Dawladdu Inay tahay Mid Xor ah oo Loo Siman Yahay Oo Masalan Axsaabtu aaraa’dooda Mid Ay Ku Gudbin Karaan Ma yahay Mise Maaha?”-  Sidaas waxaa ku  tiraabay Madaxweynaha Maanta Hoggaamiya Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo0, Horena u ahaa Guddoomiyihii xisbigii Mucaaridka Ahaa ee KULMIYE. Haddaba Muuqaalkan aan idiin soo xulnay oo ku saabsan khudbad dhaxal gal ah oo Madaxweynuhu Jeediyey ku sinnaan Muddo haatan laga joogo 9 sanno  waxa uu ku muujiyey sida uu xisbi ahaan uga xun yahay tacadiyada loo geysto Warbaahinta madaxa banaan, iyo sida uu uga xun yahay tallaabooyinka lagu cabudhiyo ee ay xukuumaddii waqtigaas ee uu Hoggaamineyey Madaxweynihii xilka ku wareejiyey Md. Rayaale ku haysay Saxaafadda.

Haddalkan dhaxal galka ah oo Keydka Warbaahinta ee mahadhada ah u galay Madaxweyneynaha waxa ay bahda HUBAAL Media iyo guud ahaanba Warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ugu baroor diiqaysaa falalka waxash nimada ah ee xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweynuhu ay maanta ku  hayso xorriyadda hadalka iyada oo aad ka war qabtaan inay hay’addo warbaahineed oo Jariirradii HUBAAL ka mid tahay albaabda loo laabay. Haddaba Halkan Hoose ka daawo, kadib aragtidaada ku wajahana ka dhiibo fadlan

SiilaangSiilaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here