Hargeysa (Hubaal)- Akhyaarta ku xidhan Degelka Hubaal Media Network [Hubaalmedia.net], waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbad qiimo iyo qaayo huwan oo uu Jeediyey Guddoomiyihii ku guulaystay halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM ku hanatay gooni isu taagnimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaaana ahaa Madaxweynihii 1aad ee JSL Muj. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).
Khubadbadaas oo uu 5tii bishii 5aad ee MEEY sanadkii 1991kii ka jeediyey shirweynihii beelaha Somaliland ee magaalada Burco lagu qabtay, kaasoo lagula soo noqday madax banaannida Somaliland waxa uu Cabdiraxmaan Tuur kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin midhaha halgankii nafta iyomaalka lahaa ee loo galay xoraynta dalka, naf hurnimadii Muhaajidiinta iyo weliba qaab dhismeedka wada tashiga ku dhisan ee SNM Ku hoggaaminaysay ummadda.
DAAWO Madaxweynihii U Horreeyey Ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Axmed Cali Iyo Khudbadii U Horeysay Ee Shirkii Gooni Isu Taagga JSL uu ka jeediyey waxa waxyaabah uu ka hadlay ee uu carrabka k dhuftay kamid ahaa ictiraaf raadinta Somaliland u galayso aqoonsigeeda kaas oo uu xilligaas sheegay in helistiisu ay dhib badan ka mudan doonto ummada sidaasi darteed loo baahan yahay in loo dhabar adaygo.
Haddaba HUBAAL TV ookamid ah Bahda HUBAAL MEDIA NETWORK waxa ay halkan idinku soo gudbinaysaa khudabadaas oo furtiaankii shirka uu ka jeediyey Muj. Cabdiraxmaan, taaas oo socotay Muddo toban daqiiqo ah ee daawasho wacan:
Fiiro gaar ah: Muuqaallada iyo wejiyada idiinka muuqan doona madasha waxa intii goob jooga ahayd xilligaas iyo intii soo gaadhayba ay ka dhex arki donaan shakhiyaad iyo mujaahidiin qaarkood ay manta xay yihiin, qaarna ay mootan yihiin.
Khudbadda waxaa Madaxweynaha kusoo dhawaynaya Madaxweyne ku xigeenkiisii oo xilligaas kamid ahaa shirguddoonkii shirka hagayay Muj. Xasan Ciise Jaama.