Hargeysa (Hubaal) Shaqaalahan oo maanta warshada leydhka horteeda isugu soo baxay ayaa waxay cabasho ka muujiyeen lacago mushaharaad ah oo ay sheegeen inaan la siin iyo caydhin shaqaale,iyo sidoo kale dhibaatooyin ay sheegeen inay ka soo gaadheen hawlaha shaqada.
Shaqaalahan ayaa sheegay inaan la siin xaqii ay ku lahaayeen warshada intii ay u soo shaqeynayeen Warshada korontada hargeysa oo xukuumaddu dhawaan ka iibisay ganacsato
Shaqaalaha warshada leydhka Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyay wasiirka hawlaha guud,shaqaalahan oo isugu soo baxay barxada hore ee warshada laydhka ayaa sheegay in wasiirka hawlaha guud ee Somaliland uu kaga baxay balanqaado hore ay u galeen oo ku aadanaa sii wadashada shaqadooda,isla markaana mushaharkooduna u sii socon doono,waxay tilmaameen in wasiirku uu si ka baxsan nidaamka masuuliyadeed ee uu kula dhaqmay,isla markaana uu wasiirku ka gaabsaday inuu la kulmo guddi ay shaqaalahani dhecdooda iska soo xuleen oo ah mida ay shaqaalahani cabashada ka muujiyeen