Hrgeysa (Hubaal)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland ayaa soo dhaweeyay in madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisaba ay sii joogto “waan soo dhaweynayaa, annagaaba u baahan inuu madaxweynuhu sii hayo, oo waxqabad badan iyo mashaariicda socota intuu dhamaystirayo, waxaan leeyahay baarlamaankana hala kala diro”