Hargeysa (Hubaal) Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo wasiir ku-xigeenka wasaaraddaasi Yuusuf Cismaan Garas ayaa maanta xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Prof. Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaraddaasi Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin.
Munaasibad ballaadhan oo xilalka loogu kala wareejinayay oo lagu qabtay hotel Safari ee magaaladda Hargeysa ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro hadda xilalka haya iyo kuwo ka tagay, masuuliyiin, xildhibaanno, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale oo badan. Dhammaan dadkii madashaasi ka hadlay ayaa ka markhaati kacay in wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Sare Prof. Geedoole uu ku tallaabsaday qodobo la majeeran karo, isla markaana waxa dhanka kale hadalo isugu jira hambalyo, soo dhaweyn iyo dhiirigelin loogu jeediyay wasiirrada cusub ee xilka wasaaraddaasi la wareegay.
Halkan ka daawo sidii ay u dhacday munaasibadii qiimaha lahayd ee xilka lagula kala wareegay.