Hargeysa (Hubaal) Cabdiraxmaan Maxamed Guun oo kamid ah xubnihii aas-aasay dallada SONYO islmarkaana ahaa af-hayeenka garabka Cabdicasiis ayaa ka waramay khilaafka Dalladda ay ku bahoobeen ururada dhalinyarada Somaliland soo kala dhex galay.
Cabdiraxmaan Guun oo shir jaraa’id ku qabtay telefiishanka qaranka Somaliland xaruntiisa magaaladda Hargeysa waxa uu sheegay inay tahay markii u horeysay ee tan iyo intii dhidibada ay u taageen dalladda uu khilaaf noocan oo kale ahi soo kala dhex galo hoggaanka sare ee dalladda.
Cabdiraxmaan Guun waxa uu sheegay in wali dalladda Hogaankeedu uu jiro maadaama aan la gaadhin mudadii xilka ay wareejinayeen islamrkaana ay tahay in loo hogaansamo go’aanka ay gaadhaan hogaanka sare
Cabdiraxmaan Guun oo ahaa af-hayeenka garabka Cabdicasiis ee khilaafsan amaba kasoo horjeeda guddoomiyha cusub ee loo doortay dalladda mudane Siyaad ayaa soo jeediyay in khilaafka lasoo afjaro oo aan laga talin baab’a SONYO waxaana uu sheegay Cabdiraxmaan Guun in loo baahan yahay in dalladda la badbaadiyo islamarkaana uu ka Cabdiraxmaan ahaan ka talinayo sidii uu miiska wadahadalka u keeni lahaa garabka Cabdicasiis,sidoo kale waxa uu ka hadlay ciidanka la dul dhigay xaruntii guud ee dalladda SONYO halkaas oo uu sheegay inay milgada iyo karaamada SONYO aan meel lagaga dhicin waxaana uu ka dhawaajiyay in sida ugu dhakhsaha badan lagaga dul qaadi doono ciidankaa la dhigay xarunta oo uu sheegay inay si nabad ah uun ku joogaan islamarkaana uu ku amaanay sida wanaagsan ee ciidanku ay uga hawlgalaan nabadgelyada dalka
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA CABDIRAXMAAN GUUN