Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland ayaa si deg deg ah uga jawaabtay hadal qalafsan oo ka soo duulay Madaxdhaqameedyo ka hadlay Magaalada Boorama Maalmihii la soo dhaafay.
Hadalkan ayaa ahaa mid guntiisu ahayd inay Dadka Gobolladaasi ka go’ayaan Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Somaliland, oo maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa ugu baaqay Odayaasha iyo wax-garadka Gobolkaas inay ka shaqeeyaan nabada iyo midnimada Somaliland.