Hargeysa (Hubaal) Engineer Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay nidaamka wanaagsan ee ay ummadu horumar ku gaadhi karaan waxaana uu tilmaamay haddii la isticmaalo qabyaalada oo lagu dhaqmo inaan wax horumar ah oo dalku uu gaadhayaa aanay jirin “meel qabyaalad ku shaqeynaysa wax horumar ah ma samayso oo ma socoto waayo intaa maahee inta kale ayaa kaa cadhoonaysa, ka dulman ayuun baa xuquuqdiisii lumaysaa, kolkaasaa imika la odhanayaa haddii aanu reer hebel nahay anagu idiinma lihin oo dawlada waxaa loola tagaa waxaa ii qabo iyo waxaa noo qabo laakiin dalka wax u qabo waa laga tegay” ayuu yidhi
Waxa kale oo uu ka hadlay dhanka cadaaladda dalka oo uu ku tilmaamay mid heerkii ugu xaumayd taagan “kolkaad immika aad eegto maxkamadaheena waxaa geed yar hoos fadhiya kuwa yaan u gubtaa yidhaahda oo dhaar markhaati beebaale ayay diyaar u yihiin oo waa la yaqaan qabta la odhan maayo oo la eryi maayo kolkaa halkaa ayaynu cadaalad ka maraynaa” ayuu yidhi
HALKAN KA DAAWO MAXAMED XAASHI OO INTAN IYO IN KA BADAN KA HADLAYA