HUMAN RIGHTS WATCH Oo Werwer Ka Muujiyey Habka Ay Dawladda Somaliland Ula Dhaqanto Dadka Xiskoodu Dhiman Yahay

0
33

Gudaha Ka Akhri Nuxurka Warbixin ka kooban 81-bog Oo Ay HRW Shalay Hargeysa Kasoo Saartay

Hargeysa (Hubaal)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Right Watch ayaa eedeyn u jeedisay  Somaliland, iyadoo ku eedeysay inay si xun ula dhaqanto dadka qaba xanuunnada dhimirka, kuwaasi oo la sheegay in si khasab ah lagu geeyo goobo lagu xannaaneeyo. Warbixin ka kooban 81-bog looguna magac-daray -Chained Like Prisoners- ayay  hayada xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in dadka la il-daran xanuunnada maskaxda ku dhaca la xidh-xidho iyo iyadoo loo raaciyo garaacis, waxaa kale oo la sheegay inay safaf dhaa-dheer u galaan daawada ay ka helaan goobaha caafimaad ee xukuumadda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.Goobaha caafimaadka ee gaarka ah, dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa lagu xidh-xidhaa silsilado, waxaa kale oo aad loo xakameeyaa dhaq-dhaqaaqooda iyo meelaha ay  tagayaan. Hay’adda Qarammada Midoobay u qaablisan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca. “Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaa intii la siin lahaa daryeel caafimaad, waxaa lagu dhibaa  meelaha lagu  xannaaneeyo, iyadoo loo xidho sidii maxbuus oo kale ama la takooro,” ayay tidhi Laetitia Bader oo hay’adda HRW u qaabilsan Afrika, iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay wax ka qabato goobaha caafimaad ee dadka  qaba xanuunnada dhimirka lagu xannaaneeyo. Sidoo kale, hay’addu waxay Somaliland ugu baaqday in dadka dhimirka ka jiran la siiyo daryeel wanaagsan, hoggaamiyayaasha Somaliland waxay  ugu baaqday inay la socdaan oo isha ku hayaan meelaha dadkaas lagu daryeelo, lana mamnuuco in silsilado lagu xidho.sawirsomaliland

 Waxay HRW sheegtay inay baadhitaan ku sameeyeen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, iyadoo la  wareysatay in ka badan 115-qof oo ay ku jiraan 47-bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay ee la xidh xidhay.

Haya’addu waxay ogaatay sidoo kale in goobaha caafimaadka dadka xanuunka dhimirka qaba ay gacanta ku hayaan rag, kuwaasi oo haweenka dhibaato gaar ah ka soo gaadho.

Sanadihii dambe, waxaa Hargeysa ku soo batay xarumaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya baahida ballaaran ee loo qabo adeegooda, iyadoo ay markii hore jireen tiro kooban oo xarumahaasi ah oo ay dadweynaha leeyihiin, isla markaana burbursan oo aan dhaqaale badan haysan. Adeegyada iskaa wax u qabso ah ee bulshada ayaan jirin.

Halkii ay daryeel caafimaad oo ku habboon iyo la talin u sameyn lahaayeen dadka ay ogolaanshaha ka haystaan, ayaa xarumahaasi waxa ay inta badan yihiin kuwo dadka lagu hayo oo karantiil ah, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Inta badan dadka la wareystay ayaa sheegay in ayagoon raali ka ahayn ay xarumahaasi geeyeen ehelkooda. Qaarkood ayaa halkaa lagu hayay ilaa shan sano, iyagoo aan awood u lahayn in ay diidaan xarigooda. Tiro ka mid ah dadka halkaasi lagu hayo ayaa laga keenay qurbaha.

Ilaalada iyo shaqaalaha kale ee xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa dadka ku haya deegaan aad u ilaalsan, mararka qaar ay ciqaab ka jirto, waxaana ay kula dhaqmaan xarig, jadwal adag, karantiil dheer, garaacid iyo jeebayn.Jeebaynta ayaa inta badan la adeegsadaa marka dadkaasi la geeyo xarumaha gaarka loo leeyahay, si loo xakameeyo iyo weliba qaab ciqaab ah, inkastoo aanay aad u badnayn, waxaa sidoo kale jeebaynta laga adeegsadaa qeybta lagula tacaalo xanuunka dhimirka ee Cisbitaalka Guud ee Berbera.

“Waa xeer u yaalla dhammaan dadka cusub in ay jeebaysnaadaan,” waxaa sidaa yiri nin 27 sano jir ah oo muddo laba bilood ah ku qaatay xarun gaar ah, kaddib markii ay halkaasi si qasab ah ku geeyeen waalidkiis. Waxa uu intaa ku daray “Waan jeebaysnaa labadii bilood ee aan halkaasi joogay.Waxaan dareemay sidii in xoriyadda la iga qaaday.”

Qeybta dhimirka ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa ah kan keliya ee ay Human Rights Watch ku aragtay in aanay ka jirin jeebayn. Waa in xarumaha kale ee ay dowladdu maamusho ama kuwa gaarka loo leeyahay ay ku daydaan tusaalahaasi, ayay tiri Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in ilaalada ay mararka qaar garaacaan dadka xarumaha ku xiran ee diida in ay dawadooda qaataan, ama ay raacaan amarada ama muujiya calaamadaha dabeecado gardara ah.

“Shalay, mid ka mid ah bukaannada ayaa la dagaallamay waardiyaha, kaddib waxay ku gacaareen suun,” waxaa sidaa yiri bukaan ku jira goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka.Waxa uu intaa ku daray, “Waxa uu rabay in laga furo silsiladda. Shan ilaa lix jeer ayay la dhaceen suunka.”

Qaar ka mid ah dadka ku jira xarumaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu qasbaa dawooyinka, ama la suuxiyaa si loo siiyo.Dawooyinka dhimirka ayaa inta badan loo qoraa iyadoo lagu saleynayo baaritaan caafimaad oo aan laga fikirin.Bukaanka ayaan inta badan loo sheegin waxa laga helay.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in inta badan ay xarumaha ku guuldareystaan sidii dadkaasi ay bulshada ugu laaban lahaayeen. Waxay bixiyaan hawlo fara ku tiris ah oo macno leh. Inta badan dadka ku xiran xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa waqtigooda ku qaata gudaha qolalkooda, iyagoo inta badan jeebaysan, ama ku jira qolal xiran oo mararka qaar mugdi ah.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in wax ka qabashada dhibaatada xanuunka dhimirka ee Somaliland ay u baahan tahay dadaal dheeri ah. Dowladda ayaa howshaasi ka bilaabi karta iyadoo mamnuuceysa jeebaynta, nidaamineysa oo dusha kala soconeysa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dhimirka, iyo iyadoo xaqiijineysa in dadka xarumahaasi la geeyo ay haystaan qaab ay cadaalad ku heli karaan.

Waa in sidoo kale ay Somaliland diiradda saartaa hakinta tallaabooyinka dadkaasi xarumaha lagu geynayo, ayna la shaqeysaa dadkaasi qaba xanuunka dhimirka, qoysaskooda, iyo bulshada oo ay ka mid yihiin qurba joogta si wax looga qabto faquuqa dadkaasi lagula kaco. Dowladdu waa in ay sameysaa habab ku haboon oo ay dadka dhimirka qaba ay ku noolaanayaan ammaan, madax bannaani iyo sharaf bulshada dhexdeeda ah.

Marka la eego tirada badan ee dadka xarumaha dhimirka loo geynayo adeegsiga jaadka awgiis, mas’uuliyiintu waa in ay dadka daroogada adeegsada u sameeyaan adeegyo la mid ah kuwa heerka bulshada.

Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin ayaa hadda dib u eegis ku sameynaya qorshayaasha caafimaadka, waana in ay fursaddaasi uga faa’iideystaan sidii ay caafimaadka maskaxda ugu dari lahaayeen qorshahooda iyo barnaamijyadooda, waxaa sidaa tiri Human Rights Watch.

Somaliland oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin, waa in ay shaqaaleysiisa ayna tababartaa xirfadlayaal badan oo dhanka dhimirka ah, ayna ku dadaashaa bixinta daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka maskaxda, ballan qaadida helitaanka daweynta iyo la talinta ku dhisan madax bannaanida iyo ogolaanshaha bukaanka, iyo xaqiijinta in si joogta ah oo nidaamnsan loo helo dawooyinka dhimirka.Dowladdu waa in sidoo kale ay xoojisaa siyaasadaheeda ku aaddan caafimaadka maskaxda, iyo hirgelinta qorshayaashaasi, oo ay ka mid tahay ansixinta xeerka caafimaadka maskaxda kaasoo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Waa hayb sooc; in xarumo lagu hayo mudda dheer dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaana ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda asaasiga ah, mana siineyso adeegyada ay u baahan yihiin,” ayay tiri Bader, oo intaa sii raacisay “Balse, Somaliland waxa ay fursad u haysataa in ay dhisto nidaam dadka qaba xanuunka dhimirka siinaya taageero iyo weliba madax bannaani.”

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii waxay meel-mariyeen qorshe lagu qaabeynayo xeerarka dastuuriga ah oo la jaan-qaadaya heshiisyada caalamiga ee xuquuqda ay leeyhiyiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here