Jewiga Uu Ku Bilaabmay Kulanka Niyad-jebiyey Huwanta Gooni-socodka Ah Iyo Mawqifka Samaale Oo Durkiyey Joharradii Garabkani Ku Taamayay Ee Golaha Dhexe
Damaca Maxamed Biixi, Diidmada Samaale, Diiradda Kulanka Dambe Iyo Dulucda Sababaha Tanaasulka Loo Daliishanayo
Hargeysa:(Hubaal)-Waxa soo baxaya muran iyo is afgaran waa cusub oo soo kala dhex galay musharrixiinta Jagada madaxweynenimo kaga loollama Xisbiga Kulmiye ee Maxamed Biixi Yoonis iyo waliba Cabdicasiis Maxamed Samaale, kadib markii labada dhinac midkood ka kale ka dalbaday inuu u tanaasulo si uu u helo cudud uu kula tartami karo Guddoomiyaha Xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi. Sida Wargeyska Hubaal xogo lagu kalsoon yahay ku helayo, waxa Tanaasulka Dalbaday Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, isagoo saaxiibkiis Cabdicasiis ka codsaday inuu u tanaasulo isla-markaana taageeradiisa ku wareejiyo si uu gacanta ugu dhigo cudud u suurto gelisa inuu galo tartan uu guul kaga gaadhi kara Guddoomiye Muuse Biixi oo haatan u muuqda johorad gacanta ku haysa inta badan xubnaha Golaha dhexe ee dhawaan codkooda lagu kala calaf qaadi doono. Wararku waxa ay intaas ku dareen in Kulan uu Habeen hore ka dhacay Huteel Mansoor ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana labada dhinac foodda isku dareen, waxase kulankaasi kusoo dhammaaday niyad-jab iyo yididiilo xumo lama filaan ku noqoday musharrax Maxamed Biixi oo isagu saaxiibkiisan tartanku ka dhexeeyo kala kulmay War aanu ku farxin. Musharax Maxamed Biixi oo ay galbinayeen xubno kooban oo u jeellan inuu hoggaanka dalka qabto, isla-markaana saaxiib dhaw la ah, ayaa kulanka labada musharrax dhex maray ku wehelinayey, waxana ay Musharrax Cabdicasiis u sharraxeen sababo dhawr ah oo ay ku sheegeen inay muhiim u tahay inuu iskaga hadho tartanka, isla-markaana taageeradiisa ku wareejiyo Musharrax Maxamed Biixi, balse Arrintaas ganafka ayuu ku dhufray, waxana uu si cad u sheegay inaanay marnaba qorshihiisa ahayn inuu cid u tanaasulo. Musharrax Samaale, ayaa dhayda ka caddeeyey inuu kalsooni badan ku qabo gaadhidda yoolkiisa xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla-markaana haddii uu cid u tanaasulayo uu si niyadsami leh ugu tanaasuli lahaa Guddoomiye Muuse Biixi oo in badan laga dalbaday inuu ka Hadho. Waxana uu ku adkaystay saaxadda lagu kala calafqaadi doono ku jihaysan yahay oo aanu marnaba hadhi doonin. Garabka uu hoggaamiye Musharrax Maxamed Biixi, ayaa in badan hadalka siyaabo kala duwan ugu dhigay Cabdicasiis Samaale, waxana ay daliishadeen fursado dhawr ah oo ay sheegeen inuu maanta Haysto Maxamed Biixi, kuwaas ay kamid ahaayeen inuu gebi ahaanba baaba’ay xidhiidhkii wanaagsanaa ee uu Cabdicasiis la lahaan jirey Madaxtooyada oo loo arko inay tahay goob go’aamin karta cidda guulaysan doonta, iyagoo sidoo kale ku andacooday inay sii yaraanayso Kalsoonida Bulshadu ku qabto Ex Wasiir Samaale oo si fudud u burburiyey xidhiidhkii uu la lahaan jirey madaxtooyada iyo xukuumaddii uu muddada dheer kasoo tirsanaa. Mudane Samaale sida la sheegay dheg jalaq uma uu siinin soo jeedinta kaga timi saaxiibkii Maxamed Biixi, waxana uu ku adkaystay in iyagoo oo siman ay galaan tartanka, isla-markaana Nin waliba Kartidiisa gaarka ah u isticmaalo sidii uu guul u gaadhi lahaa. Musharrax Maxamed Biixi, ayaa si adag ugu celceliyey inuu maanta baahi weyn u qabo inuu Samaale maanta tanaasul u sameeyo, maadaama ay adag tahay iyagoo aan isu tanaasulin inay guul ka gaadhaan Guddoomiyaha Xisbiga oo cudud taageero ah maalmihii ugu dambeeyey dhoolla-tuskeeda soo bandhigayey, waxana ku adkaystay inay lagama maarmaan tahay Tanaasulka Cabdicasiis Samaale, balse ma helin jawaab uu ku ciil baxo. Ismari waaga labada dhinac ayaa keenay inay fadhigaas ku kala kacaan, waxana loo ballamay fadhi kale meesha lagaga saaro is afgaran waaga, iyadoo Musharax Maxamed Biixi uu muujiyey in baahi weyn loo qabo in loo tanaasulo cidda maanta fursadda fiican haysata oo uu isagu isu arko. Marka la eego mawqifyada kala fog ee labada dhinac kala taagnaayeen, ma muuqato wax yididiilo ah oo keeni karta in midkooda looga hadho tartanka adag ee ay la geli doonaan Guddoomiyaha Xisbiga, waxase muddada tartanka ka hadhay la filan karaa in cusubi soo bixi karaan.