Salaanta islaamka ka dib, ilaahay kheyrka bishan barakaysan ee Ramadaan ha inna siiyo, kuwii ka faa’iideystana ha innaga dhigo.
Intaa ka dib, hadii lagu sheego waa lays sheelaa ayaa la yidhi, hadii lagu sheelana, waa lays sheegaa; waxaan uga socdaa hadal la sheegay inuu ka soo baxay Xildhibaan, Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan gollaha baarlamaanka, iyo xisbiga Wadanni ayaan jecelahay inaan jawaab kooban ka bixiyo oo ciwaankiisu ahaa (Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa oo Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay Luuqada uu ku Qoro Wareegtooyinka Magacaabista).
Ma xuma in qofku fikirkiisa dhiibo haddba siday ulla muuqato waayaha la soo gudboonaada, haba u jiito halkay ula gudboonaatee, balse waxa muhiim ah inuu qofkaasi xisaabta ku darsado ka digtoonaanta deelqaaf, ama aanu rideyn waran ku soo noqon doona, sida maanta u muuqdo ninkaa sare ku xusan, oo isagu ilaaqda dalbaday.
Nin muuqaal madow ayaa laga weriyey in berri la wydiiyey magaciisa markaa ayuu ku jawaabay “Nuur”, markaa ayaa loo celiyey, hadii Nuurkiinu sidaa yahay, muxuu noqon noodaa madowgiinuna; waxaan jecelahay inaan akhristayaasha dib xusuustooda ugu celiyo laba dhacdo oo magaalada Hargeysa ka dhacay, dabayaaqadii doorashadii madaxtooyadda bishii April, sannadkii 2003, ee xisbiga KULMIYE laga shubtay, oo fasiraad ka bixinaya shaqsiyaadka Mahdi Buubaa (AHN xildhibaanka aabahii) iyo Madaxweyne Siilanyo, taasoo aan u deynayo akhristayaasha iyagu inay gartaa natiijadeeda naqaan.
Ta hore, waxay ahayd markii looga murmay guushii doorashada xisbiga Kulmiye ayaa wefdi Gudoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe soo diray oo xisbiga ka socday, isla markaana uu hogaaminayey Mahdi Buubaa (AHN) ayaa yimi aqalkii uu degenaa madaxweyne Siilanyo (wakhtigaa ee Shacabka). Way noolyihiin baddi markhaatiyaashii kulankaa, oo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa la weydiin karaa. Waxuu yidhi ninkii hogaaminayey wefdigaa UCID, waan aragnaa in doorashadii UDUB idinkaga shubatay, balse hadaan annagu UCID idin taageerno waad ku qabsan kartaan, markaa hadaad diyaar u tihiin waxaan doonayaa inaad noo celisaan kharashkii nagaga baxay oo gaadhaya $95,000 kun oo dollar iyo afar jaggo oo golaha wasiirada ah. Madaxweyne Siilanyo oo xilligaa ahaa gudoomiyahii xisbiga KULMIYE ayaa yidhi, “Waar ma xoolaha ummada ayaad doonaysaan inaan xaqdarro idiinku loogo”, waxii ka dhacay baa ka dhacay. Madaxweyne Siilanyo, qolyahii hogaanka KULMIYE ee kulankaa fadhiyey ayaa yidhi adigu gudoomiye qolkaaga iska tag, una ballanqaaday ergadii UCID inay fulin doonaan dhamaan ballanqaadkooda.
Ilayn horaa loo yidhi sir ma qabbe-Allow sahanee, nimankuba waxay ahaayeen qollo ku sicir-goosanaysay KULMIYE, ka dibna, ogaalkay dhinacii UDUB ayaa la tegay oo balanqaad aanan xaqiijin Karin xadigiisa la qaatay, (Dib ayey ka soo baxday waxii madaxweyne Daahir Rayaale iyo Faysal Cali waraabe ku heshiiyeen, balse layska waayey cadhadeedii).
Dhacdadii labaad, ilaahay ceeb ha asturee waxay ahayd hudheelka Araweelo (oo haatan loo bixiyey Crwon), waxa isugu yimi waxgarad, culimaa’udiin, iyo aqoonyahan kala duwan, waxa lala hadlayaa xisbiga KULMIYE oo la leeyahay mushkilad iyo dhibaato innaga ilaaliya, oo doorashadii hadii laydinka hellay ku qanca. odeyaasha meesha ka hadlaya waxa ku jira Mahdi Buubaa (AHN), “illayn af aanad lahayn ma qabatid” markuu hadalkii ka baxay ayaa madaxweyne Siilanyo, u celiyey, “Waar ma adigaa (Mahdi Buubaa) anniga I leh, nabadgelyada ku dedaala, miyaanad ahayn ninkii ergada UCID hogaaminayey, ee aqalkayga iigu yimi dharaaro hortood, isagoo leh, waan idin taageeraynaa ee kharashkii naga baxay iyo afar wasiir na siiya, gudoomiyhii Eng Faysal C. waraabe ayaa na soo diray oo Hudheel Hargeisa club ayuu nagu sugayaa”
Haddaba, akhriste, weliba ninkan maanta Madaxweyne Siilanyo ku dhaliilaya deelqaafka, waxa laga wada dheregsan yahay inaanu kalsooni ku qabin xildhibaanimadiisa, had iyo jeerna xidhiidh xil uga dhursugayo Adeerkii Ismaaciil Buubaa, oo isaguba fadho-madhan ka taagan dibin-daabyaduu hadh iyo habeen u hayey ummada Somaliland.
Waxaan kaga baxayaa Ibraahim mahdi Buubaa, ninbaa lagu yidhi kumaad ahayd, markaasuu yidhi “Ibna-waas”, waxa loogu jawaabay, “yakfiinaa isma abuuk, oo macnaheedu yahay, aqoontaada magaca aabahaa ayaa nagaga filan. Dhaliishaydu ha gaadho ninkii dhigay!
Maxamuud Cali Walaaleeye
Hargeisa-Somaliland