Haddii aan maanta laga haddal, laga dhiidhiyin ogowbay waxaa ku xigga masjidka Ali Mataan.
Goobaha akhriska iyo aqoontu waa hal-bowlayaasha ummadaha, haddii larabbo in bulsho indhaha la tiro, waxaa loo diidaa akhriska iyo qoraalka, taninna waa ifafaale muujinaya indho tirida bulshadeena jahligu biyo dhigay.
Qarnigii sagaal-iyo-tobnaad goballada Mareykanka qaarkood waxay soo saareen wareegtooyin dadka madow ka mamnuucaysa barashada akhriska iyo qoridda. Wuxuu ahaa xeer diidan, ka na soo horjeeda dadka madow (ee markaa la addoon san jiray) in ay noqdaan dad waxtar leh. Koodii lagu qabtaa isaga oo baranaya alifbeetada waxaa la marsiin jiray ciqaab-daran.
.
“Taariikhda Akhriska (History of Reading) 1996″ buuga la yiraahdo wuxuu soo guurin waraysi uu addoon la oran jiray Daniyel Dowdy ka ga waramayo nooc iyo heerarka ciqaabta la marsiiyo qofkii lagu qabto isaga oo wax baranaya:
.
“marka ugu horeysay ee lagu qabtay adoo isku dayaya in aad barato akhriska ama qorista waxaa lagugu jeedalayn [jeedal ka samaysan] haraga lo’da (cow-hide), marka xigta jeedel dhowr afle ah [ oo ka sii xanuun badan]; marka saddexaad na waxay kaa jarayaan faraha laabatooyinkooda hore” (b.280).
.
Madowgu way u bareeri jireen khatartaas, caddaan ku na kay qabtaan ba way ciqaabi jireen. Waxaa ka fakar (iyo in la dul istaago) u baahan maxay caddaanku uga baqayaan in ay waxbartaan madowgu? Maxay se madowgu waxbarasho darteed naftooda halis u gelinayaan?
Taariikhdaas kooban waxaan ugu gunleeyahay in garasho doon ka iyo garasho diidku waligoodba col ahaayeen, dagaalkuna ka taagnaa wax ha ogaanin, iyo ogaanshaan rabbaa.
Maanta garashadeenay ceeb ku tahay in magaalo ay ku noolyihiin 1.5million, jaamacaddeheedu 10 kor u dhaafeen, lahayddna hal “Maktabad” tiina la xidhay saw ujeedka laga leeyahay ma aha jahli ha isgugu mudh baxdee daaya.
Bahda wax qorta, inta garashada leh, iyo inta dareen ogaal ku jiro, waxaan u soo jeedinyaa in laga dhidhiyo arintaasi, haddii kale bari waxaa ku xidhig “Sheikh Bashiir School”
Abdirashid Osman Hassan
rashiid20001@hotmail.com