Iibka Xabaalaha Burco Oo Qiime Go’an Loo Jaray Iyo Xafaariinta Oo Farriin Loo Diray

0
33

burco

Hargeysa:(Hubaal)-Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmada Burco, Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan Nuur, ayaa amar kusoo rogay ragga xafaariinta ah ee  qoda xabaalaha lagu aaso dadka ku geeriyooda magaalada Burco.

Xoghaye Cismaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lacagta ay xafaariintu ku iibiyaan xabaalaha ay qodaan tahay mid xaddi badan oo aanay dadka geeridu ku timaaddaa qaadi Karin, waxana uu shaaciyey qiime qo’an oo aan la dhaafin Karin xabaalaha la kala iibsanayo.

Ugu horrayn xoghayuhu waxa uu carrabka ku dhuftay qiimah go’an ee ay dawlad hoose ahaan u jareen in xabaasha lagu iibin karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “waxa jirta in nimanka xafaariinta ah ee magaalada Burco xabaalaha ka qodaa dadka dhinta qiimihii ay doonaan ka siiyaan, maanta laga bilaabo waxanu shaacinaynaa in aanay nimanka xafaariinta ahi qiimaha xabaasha dhaafin Karin 300,000slsh(saddex boqol oo kun) oo Somaliland shillin ah” ayuu yidhi xoghaye Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan.

Waxa uu ka codsaday  ciddii qiime intaas ka badan loola yimaadaa inay lasoo xidhiidho laamaha kala duwan ee dawladda Hoose ee Burco si ay wax uga qabtaan, waxana uu yidhi Xoghaye Cismaan Sheekh,“Ciddii intaas wax ka badan aragtaa halla soo xidhiidho ciidamada Booliska ee dawladda Hoose la shaqeeya, hana yeelina ciddii intaas wax ka badan idin weydiisa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here