“Ilaaladii Baarlamanka Siday U Dhamaayeen Waa La Dareeriyay Waxa Lagu Bedelay Inamo Si Gaar Ah Loo Balamiyay.”

0
47

Hargeysa (Hubaal)-Gudoomiyaha saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa ka hadlay shirqool xukuumadu la damacsantahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Beri oo Sabti Ah dib u furmi doono.
Gudoomiye Cali Guray wuxuu sheegay in gabi ahaanba la bedelay ilaalidii Golaha Baarlamaanka oo lagu bedelay inamo yar yar oo si gaar ah loo ballamiyay,isla markaan wuxuu farriin u diray shacbi weynaha reer Somaliland.
Cali-Guray11Gudoomiyuhu wuxuu sida ku sheegay qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook wuxuuna u dhignaa sidan: “Inay waalatay, inay wajaqday, inay wareertay, inay wisiisiday, iyo inay wayraxday mooyaane wax baa jira sabtida. Waardiyihii baarlamanka siday u dhamaayeen waa la dareeriyay waxa lagu bedelay inamo si gaar ah loo balamiyay. Wixii dadka iyo dalkan dan ka lehow waa inoo sabtida iyo fashilinta SHIRQOOLKA INQILAABKA HUWAN iyo Geedkii Canjeel Talo Waa( Xarunta Baarlamanka)” ayuu ku yidhi Farriintiisa Cali Guray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here