Ilaalinta Xuquuqda Iyo Karaamaynta Carruurtu Waa Inagu Waajib

0
80

Tan iyo xiligii ay wasaarada cadaaladu  bilawday kor u qaadista doorka iyo masuuliyada ay ku leedahay dhaman caddaalada iyo u sinaanta sharciga hortiisa, waxay ahmiyada kowaad siinaysay Dumarka iyo Carruurta, Waxa kaloo Wasaarada Cadaalada laga aas aasay Waaxda Cadaalada Carruurta iyo Dumarka, ujeedada ay wasaaradu ka ledahayna  waa in kor loo qaado helitaanka caddaalad loo sameeyo Dumarka iyo Carruuta sidoo kale si loo ilaaliyo nidaam dhaqameedka ka jira bulshada dhexdeeda, iyada oo la xoojiyo awooda haweenka in ay si buuxda uga qayb qaatan dhamaan go’aamaada  la xidhiidha nolashooda, sida doorashooyinka siyaasadeed iyo qaabka dimuqraadiyadeed ee  ka jira wadanka. Sidoo kale in la ilaaliyo dhamaan xuquuqaha kala duwan bulshada dhexdeeda iyada oo lagu kala saarayan ama lagu kala faquuqayn qabiil, gobol, midab, siyaasad, fikir, naafanimo, jinsi ama takoor kale midna. Guud ahaa dawlada somaliland iyo wasaradda cadaalada  waxay ku dadaalayaan siday u gaadhi lahaayeen qorshe ku haboon oo kor loogu qaadayo caafmaad ku noolanshaha caruurta, si loo siiyo waxbarasho aas-aasiya oo tayo leh kana ilaalinayso  caruurta yasitaanka iyo cayda, dulaysanaanta , iyo waliba tacadiyada ka dhanka ah caruurta iyada oo laaasaasayo deegan ku dhisan caddaalada caruurta.

Wasarada caddaaladu waxay ahmid gaar ah siinaysaa in loo doodo carruurta ku jirta nidaamka sharciga ah gaar ahaan kuwa sharciga khilaafa,Waxa kale oo ay u xilsaaran tahay hirgalinta caddaalada carruurta sharciga la soo xidhiidha, kuwa ku jira xarumaha agoomaha iyo kuwa u bahan daryeel gaara. waxay si gaar ah ugu doodaysaa carruurta nugul si loo dejiyo siyaasad cad oo ku aadan, carruurta naafadda ah,derbi-jiifka,kuwa HIV/AIDS ka qaba,kuwa la tuuro, kuwa lagu shaqaysto iyo kuwa qaba baahida gaarka ah. Sidoo kale waxay diyaarinaysaa barnaamijyo lagu horumarinayo jiritaanka iyo badbaadada ilmaha iyadoo bulshadda loo samaynayo wacyigalin xoogan oo ay ka helaan dhinaca warbaahinta si loogu baraarujiyo bulshadda inay hab wadareed iyo mid kelikeli ahba u dhawraan xuquuqda carruurta una noqdaan kuwo mar kasta ka hormariya dantooda tan ilmaha. Waxa wax laga xumaado ah in dad qurba joog ah ama qol-qol joog ah oo aaan waxba u tarayn qaybaha kala duwan ee bulshadeena ay maalin kasta inta ay soo sawiraan carruurtu ay meelaha ka sheegaan ceebayn iyo canbaarayn aan waxba ka jirin iyaga oo meel kaga dhacaya xaquuqdii iyo karaamadii qofnimo ee carruurta, waayo ilamah yar ee ay manta soo dhex istaajinayaa gudaafada iyo xashiishku beri ka maalin marka uu waynaado ee noqdo qof tirsan oo meel ka soo jeeda maanay ku noqonayn meel ka dhac sumacadiisa iyo karaamadiisa. Waxa uu ilaahay subxaana wa tacaala uu quraanka suratu ISRA aayada 70aad inoo sheegay inuu AADAHAMA KARAAMEEYAY waana danbi iyo gafweyn ee meel lagaga dhaco karamada carruurta. Markaa maaha in qof leh ujeedooyin kala duwan oo qarsooni inuu marba sheego waxaan jirin oo uu umadda la dhex wareego dayaacado iyo ceebayn ku dhisan aragti gaaban oo uu ka leeyahay rabitaankiisa iyo siyaasad isga u gaar ah. Website ka qurbajoog.com iyo guud ahaan saxafada waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka waan toobaan wararka mala-awaalka ah iyo beenta,. Sidoo kale aanay u adeegsan maqaaladooda iyo warbixinahooda sawirada carruurta yar yare ee wax ma garatada ah si loo ilaaliyo sharafta, karaamada iyo sumcada carruurta iyo guud ahaan bulshada.

Allaa mahad leh

Qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim sh. Maxamuud Cabdilaahi “suldaanka”

Unuga daryeelka xuquuqda carruurta, wasarada caddaalada

Suldaancabdi4@hotmail.com / cabdikariim2006@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here