“Xaglatoosiye Wuxuu Maanta Helay Quluubtii Shacabka Somaliland”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysa Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in uu soo dhiso Dawlad kooban oo tayo leh si ay u soo celiso Kalsoonidii Bulshada Reer Soamliland ku qabbeen Xukumada. Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay Dagaalkii Shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo isaga oo sheegay in dhibtaasi halkaasi ka dhacday muujinayso Taagdarida xukumada Siilaanyo. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii Kulmiye waxanu tilmaamay mar haddii shirkii dhammaaday in la guddo galo hawlaha doorashooyinka oo uu sheegay in Beesha Caalamku war war weyn ka qabbaan Qabsoomida Doorashad isna la qabbo. Guddoomiyaha Ucid waxa uu ku baaqay in wadatashi qaran laysku yimaado madama oo dalka dhibaatoyin baddani ka jiran, isla markana laysla eego siddii mar xaladan imika lagu jiro looga gudbi lahaa. “Waxaan ka cabsi qabbaa in Fawdo inagu soo socoto, mar haddii Hub la soo dajistay, mar haddii aan Cidna la Xidhikarayn, marka waxa muuqata in ay burburtay Awooddii Dawladnimo, marka Madaxweynaha waxaan ugu baaqaya in uu soo dhiso dawlad kooban oo soo celisa Midnimada Shacabka Somaliland”Ayuu yidhi Faysal. Dhinac kale Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) inuu hantay quluubta shacabka reer Somaliland, isla markaa bogaadiyay. Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal koobaan oo uu soo saaray, waxaanu sheegay Dr. Saleebaan Ciise Axmed inuu u qalmo xilkasta oo uu raadsado ilaa xitaa Madaxweynanimada. Mudane Xaglatoosiye wuxuu maanta helay quluubtii shacabka Somaliland iyo intii daawanaysayba.Runtii waan ku hanbalyeeynayaa dedaalka uu sameeyey, waxaanu Xaglatoosiye u qalmaa oo uu weliba ka noqon karaa qarankan Somaliland xil kasta oo uu raadsado mustaqbalka inshallah xataa ka Madaxweynaha. Weli waa nin dhalinyaro ah; hankiisana wuu gaadhi doonaa mustaqbalka haddii Eebbe yidhaa. Hadalkan ayaa ka danbeeyey, kadib markii maalintii Salaasada ee shalay Shirweynihii 5aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE lagu doortay hoggaanka Xisbiga, isla markaana Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) uu u tartamay jagada Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga KULMIYE oo lagaga badiyay, waxaanu jeediyay khudbad Cajiiba oo dhaxal-gal noqotay.